Dad 10 Ruux ka badan oo ku geeriyooday Madaafiic galabta lagu garaacay Suuqa Bakaaraha

Sabti, 29, Mar, 2008 (HOL)   13 Ruux ayaa geeriyootay in ka badan 30 ruuxna waa ay ku dhaawacmeen kadib markii galabta madaafiic xooggan lagu garaacay Suuqa Bakaaraha, xili ay Suuqaas ku sugnaayeen Dad isugu jiray Ganacsato iyo kuwo Suuqa u tegay in ay wax ka soo iibsadaan.
 
Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) oo ka hadlay madaafiicda Suuqa lagu garaacay ayaa wuxuu sheegay in ay qeybta Sarifyaraha ay ku geeriyoodeen 9 Ruux, halka qeybta Badarka lagu iibiyana ay ku geeriyoodeen afar Ruux oo kale, isagoo intaas ku sii daray  in ay jiraan dad badan oo ay madaafiicdaas dhaawacyo ka soo gaareen.

Guddoomiye Cali Dheere waxaa uu sheegay in Suuqa Bakaaraha ay ka dhacday Masiibo, wuxuuna tacsi u diray dadkii ku geeriyooday madaafiicdii Suuqa ku dhacday, halka uu Allaah  Caafimaad uga baryay kuwii uu dhaawaca soo gaaray.
 
Madaafiicda lagu garaacay Suuqa Bakaaraha ayaa waxay timid kadib markii dhowr madfac lagu tuuray Xarunta Villa Somalia, xili halkaas uu kulan uga socday Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfin oo saaka barqadii socdaal ku tegay Magaalada Muqdisho.
 
Ma ahan markii ugu horeysay oo madaafiic lagu garaaco Suuqa Bakaaraha, waxaana jirtay dhowr jeer oo hore oo Suuqa Madaafiic lagu garaacay, isla markaana ay halkaas dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay dad badan oo isugu jiray kuwo ganacsato ahaa iyo kuwo wax soo  iibsanayay.

Ugu dambeyntiina, madaafiicdan lagu garaacay Suuqa Bakaaraha ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo maanta ay dib u furantay muddo dhowr bilood ah kadib Wadada Wadnaha oo furnaashaheeda uu muhiim u yahay dhaqdhaqaaqa ganacsi ee Suuqa Bakaaraha, waxayna dib u furmidda Wadadan timid kadib markii ay meelo ka mid ah Wadadaas ay isaga baxeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia