Sabti, March 29, 2008(HOL): Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan uu ku yeeshay Xaruntiisa ADC-da ee Magaalada Baydhabo wuxuu uga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen in lala xisaabtamo Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo sicir bararka ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.
Kulanka ayaa markii uu furmay waxaa ay Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ay soo jeediyeen in loo yeero Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, isla markaana wax laga weydiiyo Arrimaha Ammaanka Dib u heshiisiinta iyo weliba Dhaqaalaha Dalka, halka Xildhibaano kalena ay ku doodeen in aan weli la gaarin xiligii lala xisaabtami lahaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Afhayeenka Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) oo dhegeysanayay doodda Xildhibaannada ayaa sheegay in loo yeeri karo Ra’iisal Wasaaraha, isla markaana wax laga weydiin karo waxqabadka Xukuumaddiisa, walow uu su'aal ka keenay qaab dhaqanka Mudanayaasha Baarlamaanka oo uu sheegay in uusan ahayn qaabkii looga baahnaa Xildhibaan waajibaadkiisu yahay inuu sharciga ilaaliyo, "Mudanayaal aan ku dhaqanno waxa uu na farayo Xeerka u dhigan Dowladda ee qeexaya"ayuuna yiri Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa marka uu cabaar joogaba wuxuu bilaabaa doodo ka dhan ah howlaha Xukuumadda markaas jirta iyo Ra’iisal Wasaaraheeda, iyadoo Xukuumaddii Prof. Geeddi ee is-casishay ay sidan oo kale ugu dhiganaayeen Xildhibaanno badan oo ku jira Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo qaarkood la sheego in aysan sheekadooda ahayn la xisaabtan balse ay saluugsan yihiin qaabka awood qeybsiga dalka, iyadoo la xusuusan yahay in Xildhibaanno aanan is-qarin ay Baarlamaanka hortiisa ka sheegeen in Wasaaradaha, Agaasimayaasha iyo Safiirrada fiican ee ay Dowladda Dibadda u dirsato ay qaataan beelo gaar ah.
Dhanka kalena Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu ka hadlay sicir bararka ka taagan Dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaanna Caasimadda Muqdisho, waxayna Xildhibaannadu sheegeen in ay sicir bararka jira ka dambeeyaan ganacsato ay sheegeen in aysan u naxeynin shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan, iyagoo ugu baaqay ganacsatada inay shacabka ka daayaan cunaqabateynta.
Ugu dambeyntiina Kulanka ay maanta isugu yimaadeen Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu ahaa mid horay u baaqday labo jeer oo hore kadib markii ay Mudanayaasha Baarlamaanka ka baaqsadeen Fadhiyo uu Baarlamaanka yeelan lahaa, sidaasna lagu waayay Kooram uu ku furmi karo Shirka Baarlamaanka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia