Wadada Wadnaha oo muddo bilooyin ah kadib ay maanta Dadka iyo Gaadiidka si caadi ah u isticmaalayaan


Sabti, March 29, 2008(HOL): Waxaa maanta furan gebi ahaanba Wadada Wadnaha oo muddo bilooyin ah u xirneyd Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo dadka iyo gaadiidka u diidi jiray in Wadadaas isticmaalaan.
 
Wadada ayaa dib u furantay kadib markii ay shalay gelinkii dambe halkaas isaga baxeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda oo ku sugnaa Isgoyska Aadan Cadde, iyadoo horayna ay Ciidamada uga baxeen Isgoyska Howl-Wadaag.

Saaka ayaa waxaa la arkayay iyadoo ay Dadka iyo Gaadiidka si caadi ah u isticmaalayaan Wadada Wadnaha oo muhiim u ah isu socodka Dadka iyo Gaadiidka isaga kala goosha Magaalada Muqdisho.

Ciidamo dhawaan loo sameeyay Suuqa Bakaaraha oo ah kuwo ka madax bannaan Dowladda Federaalka iyo Kooxaha ka soo horjeeda ayaa waxay fariisin ka sameysteen Isgoyska Aadan Cadde, iyadoo Isgoyskaasna uu ka mid yahay Waddooyinka waa weyn ee ay Dadka iyo Gaadiidka ka galaan Suuqa Bakaaraha.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa ganacsiga iyo wax soo iibsiga u taga Suuqa Bakaaraha ayaa si weyn ugu farxay ka bixitaanka Ciidamada Dowladda ee Isgoyska Aadan Cadde, waayo dadka qaarkiis ayaa waxay ka soo wareegi jireen meelo fog fog si ay Suuqaas u gaaraan.



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia