Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo mar kale oo booqasho ku tegay Magaalada Muqdisho

Sabti, March 29, 2008(HOL): Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta wuxuu mar kale booqasho ku tegay Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Wasiirka oo diyaarad khaas ah ay ka dejisay  Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu kulan kula qaatay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Lama oga waxyaabaha ay ka wada hadleen Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, hayeeshee waxaa jira warar sheegaya in ay labada mas’uul ka wada hadlayaan arrimo ku saabsan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Socdaalka uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ku tegay Magaalada Muqdisho oo aan ahayn midkii ugu horeeyay ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo uu Magaalada Muqdisho ka maqan yahay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, isla markaana uu magaalada Nairobi kaga qeybgelayo shir looga hadlayo Dhaqaalaha Soomaaliya, sidoo kalena ay dhici karto in ay magaalada Nairobi ku kulmaan Ra’iisal Wasaaraha iyo Mas’uuliyiin ka socda Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen ayaa tan iyo markii ay Ciidamadiisa galeen Soomaaliya dabayaaqadii sanadkii 2006 wuxuu dhowr jeer socdaallo kedis ah ku tegay Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhab, inkastoo socdaalladaas qaarkood ay ahaayeen kuwo xal loogu raadinayay mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka oo uu khilaaf soo kala dhexgalay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia