Nin ganacsade ah oo xalay lagu dilay Magaalada Baydhabo

Sabti, March 29, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in xalay magaaladaas lagu dilay Nin Ganacsade ah, kaasi oo ay toogteen Rag Bastoolado ku hubeysan.
 
Ganacsadaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Shariif Maxamed Isaaq (Shariif Med Gaab) ayaa lagu dilay agagaarka Masjidka Jaamaca ah ee Magaalada Baydhabo, iyadoo raggii dilkiisa geystayna ay baxsadeen.

Daqiiqado kadib markii uu dilka dhacay ayaa waxaa goobtii dilka ka dhacay gaaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo goobta meydka ka qaaday, iyagoo kadibna dadka magaalada Baydhabo ku amray in ay guryahooda ku xaroodaan.

Ma ahan qofkii  ugu horeeyay oo lagu dilo magaalada Baydhabo, waxaana horay magaaladaas loogu dilay, Dad Rayid ah, Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo weliba askar isugu jirtay Soomaali iyo Itoobiyaan, kuwaasi oo ay toogteen Rag Bastoolado hubeysan.

Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa wuxuu muddooyinkan ammaankeeda ahaa mid faraha ka sii baxaya, mana jirto ilaa iyo haatan tallaabo uu amni darrada jirta ka qaaday maamul dhawaan loo magacaabay Gobolka Bay, kaasi oo ay mas�uuliyiintiisa ballanqaadeen markii la dooranayay in ay wax badan ka bedeli doonaan amni darrada ka jirta Gobolka Bay, gaar ahaan Magaalo madaxdiisa Baydhabo.

Ugu dambeyntiina, Magaalada Baydhabo ayaa waxay weli fariisin KMG ah u tahay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo magaaladaas u guuray 26-kii Febraayo 2005, waxaana sidoo kale ku yaala xafiisyada Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia