Sabti, March 29, 2008(HOL): Waxaa goor dhaweyd ka degay Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyata ee Magaalada Nairobi Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ka soo amba baxay magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan.

Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Wafdiga uu hoggaaminayay Shiikh Shariif oo ay xubno ka ahaayeen Jen. Jaamac Maxamed Qaalib oo Guddoomiye ku xigeen ka ah Isbaheysiga, Maxamed Cabdi Yuusuf, Shiikh Cumar Iimaan iyo Xubno kale ayaa waxaa garoonka Jomo Kenyata ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo isagu shalay gaaray Magaalada Nairobi.
Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo ka mid ah Wafdiga Isbaheysiga ee shalay gaaray magaalada Nairobi ayaa sheegay in socdaalka ay madaxda Isbaheysiga ku joogaan magaalada Nairobi uu ku saabsan yahay casuumad uu u fidiyay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah, kaasi oo ay qiimeeyeen martiqaadka uu u fidiyay, isagoo dhinaca kalena ka gaabsaday in uu wax ka sheego warar isa soo taraya oo sheegaya in ay dhici karto in ay Nairobi ku kulmaan mas’uuliyiin ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.
Wixii ku soo kordha Dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed ee ka socda Magaalada Nairobi kala soco Hiiraan Online haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia