Qarax xalay ka dhacay Xaafadda Buundo-weyn ee Magaaladda Beledweyne xili halkaas ay ku sugnaayeen Ciidamo Itoobiyaan ah

Sabti, 29, Mar, 2008 (HOL)   Qarax si weyn looga wadda Maqlay Xaafadaha Magaaladda Beledweyne ayaa xalay ka dhacay Xaafadda Buuta-weyne Xil halkaa ay ku sugaaneey Ciidamadda Dowladda Itoobiya oo wixii ka danbeeyay Markii uu Gudoomiyaha Gobalku u anba baxay Degamadda Buula-burte la weerag sugidda Nabad-galyadda.
 
Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday Miino Nooca dhulka lagu aaso ah ayaa ka dhacay Goob inta badan ay fariisin jireen Xiliga heenkii Ciidamadda Maamulka Gobalka Hiiraan, waxaana ay wararku sheegayaan in xili hore halkaa lagu sii aasay Miinadda si markaa loogu weeraro Ciidamada Itoobiya marka soo gaaraan halka Qaraxu ka dhacay.
 
Majir wax Rasaas ah oo rideen Ciidamadda Itoobiya lakiin waxaa markiiba bilaabeen in ay xir xiraan dadkii ka ag-dhawaa halka weerarku ka dhacay kuwaa oo saakay Markii uu wagu baryay dhamaanba la sii dayay.
 
Marka la maqlay dhawaaqa Qaraxa waxaa ay inta badan dadku u dhag taagayeen waxa xiggi doona mar hadii goobta Qaraxu ka dhacay meel aan ka fogeyn ay ku sugan yihiin Ciidamado Itoobiyaan ah Balse arintu uma dhicin sidii ay dad badani filayeen.
 
Dhinaca kale Wararka laga helayo Degmadda Buula-burte oo ay wali ku sugan yihiin Ciidamo ka kala tirsan Maamuladda Gobaladda Hiiraan iyo Shabeelada dhexe ayaa sheegaya la bililiqeystay Gurigga uu ka degan yahay Gudoomiyaha Degmadda Buula-burte C/siis C/laahi Duurow.
 
Gudoomiyaha Degmadda ayaa ku eedeyay bililiqada loo geystay gurigga uu degan yahay sidda uu hadalka u dhigay Ciidamada Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo siyaasad ahaan marka la eego aysan isku wanaagsaneyn, lakiin Taliyaha Ciidamada Maamulka Gobalka Hiiraan Col. Towane Axmed ayaa sheegay in warkaasi yahay mid waxba kama jiraan, waxaana uu intaa raaciyay in ay jiraan qalab isugu jira wax yaabaha qarxa oo Ciidamaddu ka soo saareen meelaha qaar taa oo loo fasiray in bililiqo la geystay.
 
Lakiin dadka iyagu ka badax banaan kooxaha iska soo horjeedda ee ku sugan Degmadda Buula-burte ayaa HOL u sheegay in Ciidamadda Maamulku ka geysteen wax yaabo ka dhan ah Nidaamka Dowladeed, gaar ahaan marka la eego Dab la qabsiiyay guriyo dadkii lahaa ay joogaan.
 
Waxaa hubaal ah marka wararka ka soo baxaya Degamada Buula-burte iyo waliba sidda wax u dhacayaan in xaalku isku badali karo mid ka sii qota dheer sababihii markii hore loo galay oo ahaa in la sifiiyo Degmadda sidda hadalka loo dhigay kooxaha Nabad diidka ah, waxeyse Su'aashu ka taagan tahay ugu danbeytii yaa qaadaya Dabka la sheegay in la qabsiiyay Guryahay dadkii la joogo iyo waliba bililiqada la sheegay in loo geystay Gurigga Gudoomiyaha Degmadda Buula-brute.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan  Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia