Madax ka kala socota Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo Nairobi ku wada sugan

Sabti, March 29, 2008(HOL): Madax ka kala socota Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa waxay ku wada sugan yihiin Magaalada Nairobi ee xarunta u ah Dalka Kenya.
 
Horay waxaa Magaalada Nairobi u sii joogay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo Wafdi uu horkacayo, halka ay shalay gaareen magaalada Nairobi  Xubno ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysigaas Shariif Xasan Shiikh Aadan,  Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maxkamadaha Islaamka, Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi iyo xubno kale.

Wararku waxay intaas ku darayaan in madaxda labada dhinac ay Nairobi ku tageen martiqaad ay ka heleen Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould Abdallah, kaasi oo dhawaanahan dadaal ugu jiray sidii uu u dhexdhexaadin lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda oo uu ugu horeeyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Ilaa iyo haatan lama oga in ay kulamo yeelan doonaan Madaxda Dowladda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, inkastoo ay dhici karto in uu Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) uu kulansiiyo mas’uuliyiinta labada dhinac.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia