Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo Kismaayo gaaray, shirarna la leh Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Gobolka Jubbada Hoose

Sabti, March 29, 2008(HOL): Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa xalay gaaray Afar Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo socdaallo ku soo kala bixiyay Gobollada Gedo iyo Jubbada Dhexe.
 
Xildhibaannadan oo kala ah  Col. Barre Aadan Shire Hiiraale, Jen. Axmed Warsame, Yuusuf Kaanti iyo Nuur Mataan Biriq ayaa waxaa xalay si weyn  loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo, iyagoo la dejiyay Hotelka Waamo ee Magaaladaas.

Xaflad soo dhaweyn ah oo Xildhibaannada loogu sameeyay Hotelka Waamo ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Jubbada Dhexe Axmed Cabdi Cumar (Axmed Sandheere), kaasi oo Xildhibaannada u sheegay in looga fadhiyo in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ka jira Gobollada Jubbooyinka.

Intaas kadib waxaa isna hadal kooban jeediyay Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale oo horay madax uga ahaa Isbaheysigii Dooxada Jubba ee ka talin jiray Gobollada Jubbooyinka, wuxuuna sheegay in ay war weyn u wadaan Dadka Gobollada Jubbooyinka, iyagana looga baahan yahay in ay taladooda keenaan.

Xildhibaannada gaaray Magaalada Kismaayo ayaanan la ogeyn waxa ay u tageen Magaaladaas, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in ay doonayaan inay Gobollada Jubbooyinka iyo Gobolka Gedo ka hirgeliyaan Maamul Goboleed la magac baxay Jubbaland.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Socdaalka ay Xildhibaannada ku tageen Magaalada Kismaayo ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo mar sii horeysay uu Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed uu sheegay in aaney Dowladda ka talin Magaalada Kismaayo, isla markaana ay halkaasi ka taliyaan Qabiillo, iyadoo warkaasina ay si weyn uga xumaadeen Dad ku dhaqan Magaalada Kismaayo oo Waxgarad iyo Siyaasiyiin leh.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia