
Talaado, June 03, 2008(HOL): Banaanbax ay soo wada qabanqaabiyeen Jaaliyadaha Soomaalida, Congo, Zimbabwe, Nigeria, Tanzania, Kenya, Uganda iyo kuwo kale oo dhamaantood ka soo wada jeeda Qaarada Afirca ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Cape Town, kaasoo looga soo horjeday dhibatooyinkii bishii la soo dhaafay loo geystay qaxootiga Afrikaanka ah ee ku nool Dalka Koofur Afrika.
Banaanbaxa ayaa ahaa kii ugu weynaa ee ay ka soo wada qeybgalaan Qoowmiyado kala duwan ee ka soo Wada jeeda Dalalka Afrika. banaanbaxayaalka ayaa waxa ay wateen boorar ka dhan ah Dowladda iyo wax qabadkeeda ku aadan Dadka soo galootiga ah, waxaana dowladda iyo waliba Ciidamada Booliska ay ku eedeeyeen awood xumo marka loo fiiriyo waxayeelooyinkii dadkaas loo geystay oo guryahoodii iyo ganacsigoodiiba cagta la mariyay.
Dadka ayaa badankood waxa ay doonayaan in ay gabi ahaanba isaga tagaan Wadankaan oo marar badan ay dhibaato ka soo gaartay, sababta oo ah Wadankan ayaa waxa uu ka mid yahay Wadamada ugu dambiyada badan Adduunka hub fara badan oo sharci darro ahina wuu yaalaa, waxaana heysta Dadka caadiga ah ee Wadanka u dhashay iyo kuwo aan u dhalan oo xitaa qaarkood qaxooti yihiin. Dadkani oo 30% gaaraya waxay heystaan Qoryaha darandooriga u dhaca iyo Bastoolado ay ka codsadeen Dowladda iyagoo u sheegay in ay isku difaacayaan.
Banaanbaxa ayaa waxa uu ku dhamaaday albaabka weyn ee baarlamaanka Wadanka ee ku yaala bartamaha magaalada Cape Town, waxaana dowladda loo gudbiyay qoraalo ka turjumaya waxyaabaha ay dadkaasi ka cabanayeen.


Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Capte Town, South Africa