Talaado, June 03, 2008(HOL): Waxaa saaka aroortii dib ugu laabtay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo booqasho gaaban ku tegay dalka Jibouti.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed
Markii uu madaxweynaha dib ugu soo laabanayay Magaalada Muqdisho waxaa qaraxyo laga maqlay Dhinaca Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn cidda loola dan lahaa.
Xuseen Maxamed Maxamuud Xuub-sireed oo ah Afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay in Madaxweynaha uu si nabadgelyo ah ku tegay xarunta Villa Somalia, isla markaana ay qaraxyadaas dhaceen kadib markii uu halkaas maray.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu dalka Jibouti kaga soo qeybgalay kulan labo saacadood socday oo shalay dhexmaray ergada Dowladda Federaalka iyo wakiillo ka socday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa u jeediyay Safiirradii uu la kulmay ee ka socday Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay khudbad ku saabsaneyd waxyaabihii ay qabatay Dowladdiisa, Waxyaabaha ay dooneyso in ay qabato oo uu ka xusay in ay haatan ku howlan tahay sameynta Dastuurkii Federaalka, isagoo dhinaca kalena Golaha Ammaanka ka codsaday in ay ku taageeraan Dowladdiisa sidii ay u soo celin lahayn Sharcigii iyo kala dambeyntii.
Mar uu ka hadlay joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya waxaa uu sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ay Soomaaliya ku joogaan ogolaasho uu siiyay Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in haddii ay baxayaan ay tahay in marka hore ammaanka la sugo ama la helo Ciidamo kale oo lagu bedelo.
Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha ayaa markii uu maalin ka hor ka duulayay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa uu ka badbaaday isku day la doonayay in looga baajiyo safar uu ugu socday Dalka Jabuuti, iyadoo Wadadii uu garoonka ku aadayay ee Maka Al-Mukarama uu ka dhacay iska hor-imaad dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya, halka Garoonka Diyaaradaha oo ay ka duuleysay Diyaaraddii qaadi lahaydna lagu tuuray dhowr madfac.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia