Kooxo hubeysan oo Muqdisho ku dilay Afhayeenka Ganacsatada Gobolka Banaadir

Cabirka Farta

Talaado, June 03, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa waxay maanta magaalada Muqdisho ku dileen Afhayeenkii Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir Cabaas Maxamed Ducaale.

Marxuumka ayaa la sheegay in ay Kooxaha hubeysan ku dileen nawaaxiga Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ilaa iyo haatanna aan la ogeyn sababtii ka dambeysay dilkiisa.

Guddoomiyaha Ganacasatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) ayaa xaqiijiyay dilka Afhayeenkii Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in ay aad uga xumaadeen dilka loo geystay Afhayeenkooda.

Sidoo kalena Qof goob-jooge ah oo arkayay sida loo dilay marxuumka ayaa wuxuu sheegay in rag dhalinyaro ah oo hubeysan ay toogteen marxuumka iyo qof la saarnaa gaari uu watay, wuxuuna intaas ku daray qofkaas goob-joogaha ah in uu jiray qof kale oo dhaawac ahaan ay uga tageen kooxihii dilka geystay.

Marxuumka ayaa wuxuu kaalin firfircoon ku lahaa isku xirka ganacsatada Gobolka Banaadir iyo weliba ka-hadalka dhibaatooyinka soo gaara qeybaha kala duwan ganacsatada, wuxuuna dhawaan ka mid ahaa ganacsato soo saartay go’aan lagu qaadanayo lacagto duugowday ee Kunka Shilinka Soomaaliga, taasi oo ay diideen in ay qaataan ganacsatada yar yar ee ku ganacsata Suuqyada Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia