Talaado, June 03, 2008(HOL): Dhismaha Maxjarka Boosaaso Duleedkeeda laga dhisayo ayaa la sheegay in la soo afmeeri doono Bilaha Soo Socda iyada oo la sii marin Doono Maxjarkaasi oo lagu baari doono Xoolaha Laga Dhoofinayo Dekeda Boosaaso, kuwaasi oo ka kala yimaada Gobollada Dalka Somalia, waxaana ka howlgali doona Maxjarka Bosaso Dhakhaatiir ajaanib ah iyo Somaali ah kuwaasi oo aqoon u leh Caafimaadka Xoolaha Nool.
Tan iyo bur burkii Dalka Soomaaliya waxa soo maray caqabado ad adag oo ku aadan Iibsiga Xoolaha nool ee loo dhoofiyo Dalka Dibadiisa kuwaasi oo mudooyin dhowr ah la kulamay Xanibaado looga soo rogay Dalalka Loo iibgeeyo.
Maxjarkan ayaa dhismihiisu waxa uu soo guur guuranayay Mudo gaadhaysa Sanad Iyada oo Markii La bilaabayayna uu jira khilaafaad u dhaxeeya Maamulka Iyo Ganacsatada kaasi oo ku aadanaa cida Gacanta ku qaban doonta Maxjarka iyada oo maamulkuna qandaraas arintaasi ku siiyay Ganacsade Sucuudiyaan ah.
Haddaba Madaxweynaha Puntland ayaa maalinimadii Shalay ahayd booqday halka laga dhisayo maxjarkaasi waxaana uu halkaasi kula kulmay Madaxda Gacanta ku haysa Dhismaha Maxjarka oo Ay ku jiraan Kuwo Ajaanib ah waxaan ay madaxweynaha u sooo gudbiyeen Habka uu u socod Dhismaha Iyo Inta Xoolaha ee uu qaadi karo halkii mar Iyo Tirada Shaqaalaha ee ka howl gali karta.
Cadde Musse waxa uu sheegay Shaqaalaha Maxjarka in ay Dadajiyaan Dhismaha Si Dar dar loo galiyo Dhoofinta xoolaha oo ay dad badan aaminsan yihiin in haddi la bilaabo ay Hooos u dhigi doonto Qiimaha Maciishada Daruuriga ah ee Cira ka soo dagi la'a.
Kormeerka Madaxweyanaha Waxaa ku waheliyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda, Duqa Boosaaso Iyo Barasaabka Gobolka Bari.
Mahamud Said
[email protected]
Bosaso, Somalia