Talaado, June 03, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ayaa lagu soo waramayaa in ay saaka Waaberigii la wareegeen Xerada Mannaas ee duleedka Magaalada Baydhabo.
Afhayeenka Ciidamada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in saaka Waaberigii ay Ciidamadooda la wareegeen gacan ku heynta Xeradaas, isla markaana ay hub iyo saanad kale ka qaateen.
Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan sheegashada Maxkamadaha Islaamka ee ah in ay la wareegeen gacan ku heynta Xerada Mannaas.
Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ayaa dhawaanahan waxay la wareegayeen gacan ku heynta deegaanno dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kuwaasi oo ay ku jiraan deegaanno ay ka talinayeen maamullo ay magacawday Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xerada Mannaas ayaa waxay ka tirsan tahay Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay, waxaana halkaas ku xareysnaa Ciidamo ka amar ka qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia