MADAXWEYNAHA SOMALILAND: “Shirka Jabuuti maaha mid khuseeya Somaliland”

Cabirka Farta

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin
Talaado, 03 June 2008 (HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta ka shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Madaxtooyada kaga hadlay arrimo badan, oo ay ugu horaysay heshiis ay saddexda Xisbi Qaran ka gaadheen khilaafaad siyaasadeed oo dhawrkii bilood ee u dambeeyay ka taagnaa Somaliland iyo Shirka ka socda Jabuuti.

Madaxweyne Daahir Rayaale wuxuu Shirkaa-jaraa’id kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin, Shirka Qaramada Midoobay ay waddo ee ka socda Jabuuti, laguna dhexdhexaadinayo Dawladda Federaalka Somalia iyo Isbahaysiga Dib-u-xoraynta, muranka Siyaasadeed ee Somaliland iyo heshiiska laga gaadhay, muran ka dhashay qaar ka mid ah Gobollo cusub oo dhawaan uu magacaabay iyo arrimo kale oo door ah.

Ugu horayn Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay heshiiska ay saddexda Xisbi Siyaasi ee Somaliland ka gaadheen muranadii ay gundhigga u ahayd muddo-kordhin ay Golaha Guurtidu u samaysay Md. Rayaale. Waxaanu sheegay inay isku afgarteen in danta guud laga wada shaqeeyo. “Waxa igu kallifay inaan maanta hadlo waxa weeye, maadaama ay Xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaradku heshiis gaadheen, in aanay dadku isweydiinin muxuu Madaxweynuhu arrintaa uga hadli waayay. Waxaan doonayaa maanta inaan idiin sheego inaanu heshiisay Axsaabta Mucaaradka, oo aanu ku heshiinay danta dalka laga wada shaqeeyo. Waxa kale oo aanu ku heshiinay si marmarsiiyuhu iyo shakigu meesha uga baxo, in la soo horraysiiyo Doorashada Madaxweynaha, si aanay dib ugu dhicin oo ay u suurtogasho Diiwaangelintu. Sababtoo ah, waa markii u horaysay ee haddii Diiwaangelintaa la helo ay Muwaadiniinta Somaliland yeelanayaan aqoonsi dhalasho Somaliland-nimo” Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale. Waxaanu intaa ku daray oo uu yiri, “Isla markaana inaanu diiradda saarno caqabadaha kale ee ina soo wajahaya iyo go’aanada ka soo baxaya Golaha Ammaanka”.

Md. Rayaale hadalkiisaa ka dib waxa ay Saxaafaddu halkaa ku waydiisay su’aalo kala duwan. Mar wax laga waydiiyay Madaxweyne Rayaale Shirka Jabuuti ka socda iyo aragtidooda Xukuumad ahaan, ayaa waxa uu ku jawaabay, “Horta shirkaasi wuxuu gaar u yahay Somalia oo dhinacyada isku haya ayaa lagu dhexdhexaadinayaa, laakiin haddii ay tahay Ciidamo la keenayo iyo haddii uu Shirkaa yahayba wax Somaliland ka khuseeyaa ma jirto”.

Sidoo kale waxa kale oo wax laga waydiiyay Shirkado Shidaal qodis ah, oo la sheegay inay baadhintaan Shidaal ka wadaan dhinaca Bari ee Somaliland, ayaa waxa uu sheegay Madaxweynuhu in Shirkadahaa iyo Qalabka ay keeneen uu yahay mid aan soo gaadhin dhul Somaliland ah.

Dhinaca kale, Madaxweyne Rayaale mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd, qorshaha ay Xukuumad ahaan ugu talo galeen dadka tahriibaya, ayaa waxa uu sheegay inaanay Xukuumaddiisu awood u lahayn joojinta iyo wax ka qabashada dadka tahriibaya iyo sidoo kale dadka Ajaanibka ah ee Somaliland ku sugan. “Horta Itoobiya-daasi iyada ayaa dadkeedii u taag la’ oo aan joojin karin, Ilaahay inaan u baryo mooyaane, wax kale oo aanu u tari karnaa ma jirto. Ta ajaanibka, waqti ayaanu isku daynay inaanu dalka ka saarno, berigaana waxa ka dhashay dhibaatooyin”ayuu yiri.

Madaxweyne Rayaale wuxuu sheegay inuu haddii muddadu ka dhammaato iyo haddii kaleba, inuu yahay Madaxweynaha Sharciga ah ee Somaliland. “Dhaarta sidaan u dhaartay ayaan u dhaarsanahay, waqti haddii uu dhammaado iyo haddii kaleba, sharci ayaan ku fadhiyaa.” Ayuu yidhi, mar uu ka jawaabayay su’aal nuxurkeedu ahaa in uu mar labaad la dhaariyey iyo in kale, maadaama waqtigii ka dhammaaday oo muddo-kordhin loo sameeyay.

Md. Daahir Rayaale mar uu ka jawaabayay su’aal ku wajahnayd gobollo uu dhawaan magacaabay, oo keenay inay degmooyin badan oo Somaliland ahi gobollo doonaan, ayaa waxa uu yidhi, “Sanduuq furmay maaha (magacaabista gobolladu) ee intaas ayay ku egyihin gobollada aan magacaabay”.
 
Barkhad M. Kaariye   Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland