Golaha Ammaanka ee Q/Midoobay oo kulankii ugu dambeeyay maanta la yeelanaya Ergo ka socota Bulshada Rayidka Soomaaliyeed

Cabirka Farta

Talaado, June 03, 2008(HOL): Safiirrada ka socday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa  maanta wuxuu kulankii ugu dambeeyay kula yeelanayaa Magaalada Djibouti Ergo ka socota Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

Shirkan oo isna qaadan doona muddo labo saacadood ah ayaa wuxuu la xiriiraa kulamo ay shalay Safiirrada Qaramada Midoobay la yeesheen Ergooyin ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, kuwaasi oo iyana la siiyay labo saacadooda oo ay warbixinno ku jeediyaan.

Ergada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa iyadana waxay Safiirrada Qaramada Midoobay u gudbineysaa warbixin ay kaga hadleyso Xaaladda Dalka Soomaaliya iyo sida ay u aragto in uu ku imaan karo xalka Soomaaliya.

Kadib marka uu soo dhamaado kulanka Ergada Bulshada Rayidka iyo Safiirrada Qaramada Midoobay ayaa waxay Safiirrada ka socda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay qaban doonaan shir jaraa’id oo ay uga hadlayaan waxyaabihii  kala soo gudboonaaday dhinacyadii Soomaalida ahaa ee ay la kulmeen, iyagoo sidoo kalena baaq u jeedin doona dhinacyada Soomaalida ah ee ku shirsan Dalka Jibouti.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, dhinacyada Soomaalida ah ee ku shirsan dalka Jibouti oo aan weli yeelan kulamo fool-ka-fool ah ayaa waxaa dhex-taala caqabad haddii aan xal loo helin horumar la’aan u keeni karta wada hadallada ay Qaramada Midoobay soo qaban qaabisay ee Jibouti ka socda, waxayna caqabaddaas tahay iyadoo ay Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ay doonayaan in Ciidamada Itoobiya laga saaro Soomaaliya, halka Ergada Dowladda Federaalkana ay leedahay waa in marka hore heshiis la gaaro.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia