
Talaado, June 03, 2008(HOL): Jaaliyad Soomaaliyeed oo ku sugan Dalka Australia ayaa waxay deeq lacageed gaarsiiyeen Qaxooti Oromo iyo Soomaali isugu jiray oo ku nool Dusiga Hoose/Dhexe iyo Sare ee Jibouti oo ku yaala Xaafadda Buulo Xuubey ee Degmada Wadajir.
Deeqda Lacageed ee ay soo dirtay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Australia oo ay wakiil ka ahaayeen Cabduqaadir Maxamed Axmed iyo Xasan Maxamed ayaa waxaa loo qeybiyay Dadkaas Qaxootiga, iyadoo dadka loo qeybiyayna ay si weyn ugu farxeen, ugana mahadceliyeen.
Lacagta ay soo dirtay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Australia oo dhameyd 1400$ ayaa waxaa lagu soo hagaajiyay oo qeybiyay C/llaahi Kulmiye Caddow oo ah Saxafi Soomaaliyeed oo ku nool Magaalada Muqdisho, kaasi oo kaashanayay Muuse Maxamuud Jiisow oo isna Saxafi ah.
Qaar ka mid ah Dadkii Deeqdaas Lacageed loo qeybiyay ayaa waxay u mahadceliyeen una duceeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deeqda lacageed u soo dhiibtay weliba xili ay u baahnaayeen, waxayna Allaah uga baryeen in uu bedel kheyr qabo siiyo.
Waxaa xusid mudan in markii Dadkani Qaxootiga ah Lacagta loo qeybiyay ay qaarkood ahaayeen kuwo ay nolosha ku adkeyd isla markaana ay macluul qarka u saarnaayeen.
Faadumo Warsame Geedi oo 80 jir ah waxay ka mid tahay Dadkii lacagtaas loo qeybiyay waxay sheegtay in lacagta la siiyay ay ku bixin doonto deyn ay ku yeesheen dad ay Caano u keeni jiray, waxayna u duceysay dadkii deeqdaas lacageed soo gaarsiiyay.
Dadka Deeqdaas lacageed la gaarsiiyay oo tiradooda gaareyso 130 Qoys ayaa waxaa la wada gaarsiiyay lacagta ay soo dirtay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Australia, taasi oo gaareysa 1400$, iyadoo weliba qoys-qoys loogu qeybiyay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia