Talaado, June 03, 2008(HOL): Indhawaalaba waxaa jiray Dhibaatooyin soo gaarayay Dadka soo galootiga ee ku dhaqan Dalka Koofur Afrika, kuwaasi oo ay ku jiraan Dadka Soomaalida ah.

Rabshad-Wadayaal Koofur Afrikaan ah
Haddaba Dadkaasi Soomaalida ah ee haatan dhibaatooyinka ay ku heystaan Dalka Koofur Afrika ayaa waxay noqdeen kuwo Qaxooti ah kadib markii ay cagta mariyeen Madowga Gangster-ka Koofur Afrika, kuwaasi oo dhacay Dukaamadii iyo Hantidii ay lahaayeen.
Dadkaasi oo haatan ku hoos nool Teendhooyin ay u sameysay Hay’adda UNHCR ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ayaa waxaa la soo gudboonaatay xaalad nololeed oo aad u adag, waxaana dadkaas qaarkood la soo deristay xanuunno, halka kuwo kalena aysan xamili karin qabow ka jira Dalka Koofur Afrika.
Halkan ka dhegeyso Warbixinta Sheekadan-HOL
Halkan ka dhegeyso Warbixinta ADadkaas badankood ayaa haatan waxay ka door-bidayaan in ay Teendhooyinkaas ku noolaadaan in ay dib ugu noqdaan Dalkooda waa haddii ay heli karaan sahay ay ku aadaan meelihii ay ka yimaadeen Dalka Soomaaliya.
Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Cape Town, South Africa