Talaado, August 26, 2008(HOL): Maayarka Degmada Oodweyne ee Magaalo-madaxda Gobolka Oodweyne Md. Maxamed Xaaji Axmed (Gurmo), ayaa shaaca ka qaaday in abaar baahsani ka jirto guud ahaanba Gobolka Oodweyne, isla markaana waxa uu ku baaqay in gurmad deg-deg ah lala soo gaadho dadka abaartu hayso oo duunyada ay haystaana aad u jilicsan tahay.
Duqa degmada Oodweyne oo Wariyayaal ka kala socday qaybaha Warbaahinta dalka ugu waramay Magaalada Oodweyne, mar ay wax ka waydiiyeen xaalada abaareed ee Gobolka, gaar ahaana magaalo-madaxda oo uu Maayar ka yahay, ayaa sheegay in Gobolka Oodweyne oo baaxada dhulka uu ku fadhiyaa badan tahay abaar adagi hayso, iyada oo sida uu sheegay Maayarku aanay deegaanadaa si fiican uga di'in Roobabkii xiliga gu'ga la sugayay iyo kuwii wakhtigan karanta la sugayay midna. Isla markaana Gobolka Oodweyne oo xoola dhaqashada ku caan ahaa ay xaaladiisu hada adag tahay. "Gobolkan Oodweyne waxa ka taagan abaar aad u balaadhan, waxaana jira dhulkii oo Xaaluf ah iyo biyo la'aan.
Markaa xaalada abaareed ee Gobolku aad ayay u adagtay. Guud ahaana Gobolka waxa ugu ladan meelaha dooxooyinka ah, sida Gadiidalay iyo Galoolay, laakiin kale Gobolka 60%-kiiba abaartu way saamaysay." Sidaa ayuu yidhi Duqa Degmada Oodweyne Maxamed Xaaji Axmed, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, "Dadka degan meelaha abaartu sida ba'an uga jirto iyaga iyo xoolahoodaba waanu ka warhaynaa, kormeer joogto ah ayaanu ku samaynaa, xooluhu way jilicsan yihiin. Laakiin dad wax ku noqday wakhtigan ma jiraan. Waxaana dadkan isu raacay abaarta aad aragtaan, xoolihii caatoobeen oo aanay cad iyo caano toona lahayn, ayaa hadana waxa u raacay sicir-bararka dalka ka jira. Markaa dadkani aad iyo aad ayay u dhibaataysan yihiin waxaanay uu baahan yihiin in mucaawimo deg-deg ah lala soo gaadho oo loo soo gurmado."
Mar wax laga waydiiyay Guddoomiyaha xaalada caafimaad ee Degmada Oodweyne waxa uu yidh, "Horta Dhaktirkii wuu noo dhisan yahay, qalabkiisiina 70%-kiiba wuu noo dhex yaalaa, kaliya waxa noo hadhsani waa furitaankii uun, Wasaaradda Caafimaadkana waanu ka wadahadalay waxaananu ku rejo weynahay in sannadkan lagu guda jiro uu furm. Waayo waa lagama maarmaan oo Gobolka Oodweyne oo baaxadiisu wayn tahay Cusbitaalkan oo kaliya ayaa Dhakhtar u ah." Ayuu yidhi Maayarka Oodweyne.
Guddoomiyaha Tuulada Cabdi-dheere ee Degmada Hara-Sheekh oo hoostagta Gobolka Oodwene Cabdillaahi Jaamac Yuusuf, ayaa isaguna ka dayriyay xaalada abaareed ee deegaankaas, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi, "Abaaruhu waa kuwo xiliga la socda oo saameeyay deegaanka. Jiilaalbaa wadanka ka dhacay, waxa la yidhi hadaan Gu xumaan abaari ma dhacdo, xiligii gu'ga la heli jiray wax yar oo seel seel ah ayaa na helay, biyo dhaankii dhacayna cid naga caawisay ma jirin. Baraagaha biyo yar ayaa wakhtigii gu'guga galay, beeshuna aad ayay u soo dul degtay agagaarkan Cabdi-dheere. Imikana biyihii yaraa iyo meel-meeshii saaca yari ka baxay xagaa ayaa ku kacay.
Wakhtigan abaar ayaa taagan, xoolaha geela dhalay, laxda dhashay iyo inta kaleba abaarta darteed maanta way joogsanayaan, Muceeshaduna halka ay marayso waad ogtihiin oo gadbadu lixdan doolar ayay noogu timaadaa neefka adhiga ahna sodon doolar ama labaadan doolar ayaa la soo siistaa. Markaa abaarta na haysataa waa mid baad, mid biyo la'aaneed iyo mid dhaqaale. Markaa waxaanu codsanaynaa in Hay'adaha samafalka iyo dawlada Somaliland gurmad deg-deg ah nalala soo gaadhaan." Ayuu yidhi Guddoomiyaha deegaanka Cabdi-dheere.
Sidoo kale, Cabdi carab warsame oo ka mid ah Odayaasha deegaanka Qolqol ayaa isaguna tilmaamay in ay abaartu fara baas ku hayso deegaankooda, isla markaana loo baahan yahay in abaarta ka sokaw dhinaca caafimaadka xoolaha iyo ka dadkaba gacan laga gaysto. Maadaamaa ayuu yidhi xoolaha wayda ah xanuun dad iyo mid duunyaba ka dhalan karaan.
Hase ahaatee, waxa jira deegaano ka tirsan Gobolka Oodweyne oo uu Roob si fiican u helay xog-warankaa Maayarka iyo Masuuliyiinta gobolka Oodweyne ka dib, inta u dhaxaysa Magaalada Hargeysa iyo Tuulada Xidh-xidh ee Gobolka Oodweyne, oo ahaa dhulka markii hore raadka abaarta sida weyn looga dareemayay.
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,Somaliland