Guriga Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo Bambo gacmeed lagu weeraray

Talaado, August 26, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar bambo gacmeed loo adeegsaday  ku qaadeen guri uu magaalada Baydhabo ka degan yahay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa.

Ma jirin cid wax ku noqotay weerarka bambaano ee lagu qaaday guriga Guddoomiye ku xigeenka waxaana la sheegay in ay Bambada ku dhacday meel bannaan oo aaney cidna joogin.

Guddoomiye ku xigeenka oo wax laga weydiiyay Cidda uu weerakaas ku tuhmayo ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in ay weerarkaas ku soo qaadeen kooxo sida uu yiri laga caqli badiyay oo la yiri dad dhibaato u soo geysta, wuxuuna intaas ku daray in weerarka lagu qaaday uu ka mid yahay weerarro horay loogu qaaday Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Bay C/fataax Ibraahim Geesey oo isna weerarkaas ka hadlay ayaa sheegay in kooxaha weerarka ku qaaday guriga guddoomiye ku xigeenka ay ahaayeen kuwo fulayiin ah oo aan awoodin in ay dadka si toos ah uga hor-yimaadaan, wuxuuna sheegay in ay baaris ku sameyn doonaan ciddii weerarkaas ka dambeysay.

Weerarka lagu qaaday Guriga Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo horay weerar noocaan oo kale ah loogu qaaday Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo kala ah C/nuur Ibraahim, C/llaahi Shaleyti, Caasha Axmed Cabdalla iyo Cabdi Axmed Dhuxulow.

Ugu dambeyntiina, Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay oo aanu ammaankeeda hagaagsaneyn ayaa waxay Xarun  KMG ah u tahay Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena ay ku yaalliin Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia