Talaado, August 26, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in ay magaaladaas cabsi dagaal ka jirto, isla markaana ay magaalada ku yaraadeen dhaqdhaqaaqii dadka iyo ganacsiga.
Dadka ku dhaqan Magaalada Baardheere ayaa waxay cabsida la soo deristay kadib markii uu duleedka Baardheere soo gaaray Xildhibaan Barre Hiiraale iyo Ciidamo la socda, iyadoo gudaha magaaladana ay horay ugu sii sugnaayeen Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.
Xildhibaan Barre Hiiraale oo wata gaadiid dagaal oo aad u faro badan ayaa wuxuu sheegay in uu ku socda guri uu ku leeyahay Magaalada Baardheere, taasi ayaana la rumeysan yahay in ay keentay cabsida dagaal ee la soo deristay dadka ku dhaqan Magaalada Baardheere.
Inkastoo ay cabsi dagaal ka jirto Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo hadana waxaa jiro dadaallo ay wadaan Odayaal iyo Waxgarad ku sugan Magaalada Baardheere, kuwaasi oo isku dayaya inay labada dhinac ka dhaadhiciyaan in aysan gudaha Magaalada ku dagaallamin.
Haddaba Xildhibaan Barre Hiiraale oo ay la socdaan mas’uuliyiinta maamulkii ka talinayay Magaalada Kismaayo ayaa inta u dhaxeysa Gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo waxaa uu kula soo kulmay dagaal uu la galay xoogag taabacsan kuwii ka soo saaray Magaalada Kismaayo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia