Talaado, August 26, 2008(HOL): Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka heshiiyay khilaaf soo kala dhexgalay ayaa waxay xarunta Midowga Afrika ku saxiixeen heshiiska ay gaareen.
Heshiiska ay gaareen labada mas’uul ayaa waxaa ka shaqeeyay Madaxda Dowladda Itoobiya iyo Midowga Afrika oo madaxda dowladda Federaalka Addis Ababa uga yeeray kadib markii ay ka heshiis waayeen khilaaf soo kala dhexgalay.
Munaasabad lagu saxiixyay heshiiska ay madaxda Dowladda wada gaareen oo ka dhacay Xarunta Midowga Afrika ayaa waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiin ka socday Beesha Caalamka iyo Ururrada Midowga Afrika iyo IGAD.
Hadal ay munaasabaddaas ka jeediyeen madaxda Dowladda ayaa waxay ku sheegeen in ay si weyn uga xun yihiin in uu khilaaf soo kala dhexgalo iyadoo dalka Soomaaliya uu ku jiro xaalad aad u adag, waxayna ballanqaadeen in aan mar kale la isugu imaan doonin xalinta khilaaf soo kala dhexgalay.
Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa khilaafkoodan la soo af-jaray wuxuu soo shaac baxay kadib markii uu Ra’iisal wasaare Nuur Cadde xil-ka-qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere, iyadoo kadibna uu Madaxweynaha ka soo hor-jeestay xil-ka-qaadistaas.
Qodobada Heshiiska ay gaareen Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah in maamul ay dadka soo doorteen loo sameeyo Gobollada Dalka, gaar ahaan Gobolka Banaadir, in Wasiirrada Xukuumadda Federaalka oo 18 Wasiir ahaa la gaarsiiyo 23 Wasiir, in Xukuumadda loo madax-banneeyo howlaheeda, in Dib u heshiisiinta ay sii waddo dowladda iyo qodobo kale oo ku saabsan dib u habeynta Dhaqaalaha iyo Ammaanka Dalka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia