Dowladda Canada oo dadaal ugu jirta sidii loo sii deyn lahaa Wariye looga heysto Soomaaliya

Talaado, August 26, 2008(HOL): Dowladda Canada ayaa waxay dadaal ugu jirtaa sidii loo sii deyn lahaa Wariye Amanda Lindhout, taasi oo seddex maalmood ka hor lagu af-duubtay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Xildhibaan Baarlamaanka Canada ugu jira Xisbiga Muxaafidka ah oo lagu magacaabo Bob Mills ayaa sheegay in ay socdaan xiriirro joogto ah oo u dhaxeeya Waaxda Arrimaha Dibadda Canada iyo Qoyska Wariye Amanda, “Waan ku qanacsanahay in Waaxda Arrimaha Dibadda ay ku dadaaleyso sidii ay u sameyn lahayd wax kasta oo macquul ah si loo sii daayo Wariye Amanda Lindhout”ayuu yiri Xildhibaan Bob Mills.

Xildhibaankan oo ka gaabsaday in uu sheego in ay xiriir la sameeyeen kooxihii Wariyadda af-duubtay iyo waxa uu af-duubkaas salka ku hayo ayaa wuxuu ku gaabsaday inay  arrintaas si gaar ah ula socoto Waaxda Arrimaha Dibadda Canada.

Wariye Amanda Lindhout oo 27 jir ah ayaa sida hooyadeed sheegtay waxay safarro shaqo ku tagtay 43 dal, waxayna sheekooyin ka sameysay dalal sida Soomaaliya oo kale ah ay xasarado ka jiraan.

Kooxo hubeysan ayaa waxay 23-kii bishan ka qafaasheen inta u dhaxeysa Deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Degmada Afgooye Nigel Brennan oo Australia u dhashay, Amanda Landhout oo Canada u dhalatay iyo C/fataax Maxamed Cilmi oo Soomaaliya u dhashay, waxayna seddexdaas Wariye  maalintii seddexaad ku jiraan gacanta kooxihii Af-duubtay.

Shalay ayay ahayd markii ay iyadana Dowladda Australia shaacisay in ay dadaal ugu jirto sidii loo sii deyn lahaa Wariye Nigel Brennan oo Australia u dhashay, wuxuuna Ra’iisal Wasaaraha Australia Mr. Kevin Rudd uu sheegay in ay Diblumaasiyiin iyo Saraakiil Boolis ah u direen Bariga iyo Galbeedka Afrika, si ay gacan uga geystaan sii deynta Wariyayahaas.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Af-duubka wariyayaashan loo geystay ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo horay dalka Soomaaliya af-duub loogu geystay dad badan oo Ajaaniib ah, kuwaasi oo badankood la sheegay in ay howlo samafal ah u tageen Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia