Qaar ka mid ah Culima'udiinka Beledweyne oo wax laga xumaado ku tilmaamay hadal uu qalabka warbaahinta ka sheegay Duqa Magaalada Beledweyne

Talaado, August 26, 2008(HOL): Dagaalladii dhawaan ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Xarunta u ah Gobalka Hiiraan waxaa ay sababeen in ay xirmaan Masjidyo dhowr ah oo ku yiilay Xaafadaha ugu dadka badan Magaalada kadib markii ay fariisimo ka horsameysteen Ciidamada Itoobiya.
 
Duqa Magaalada Beledweyne Aadan Cabdi Ciise (Garaaso) oo ah Mas'uulka kaliya ee ka jooga Magaalada Maamulkii ay Dowladda Federaalku u soo dhistay Gobalka Hiiraan oo ka hadlayay xirnaashaha Masjidyada qaar ayaa sheegay in ay sabab u yihiin dadka iyagu Tukashada u yimaada oo qaarkood sida uu hadalka u dhigay Bambooyinka farqaha ku sita, ama ayuu sii daba dhigay raali ka ah waxyaabaha dhacaya maadaama aysan marnaba arintaas ka hadlin.
 
Laakiin qaar ka mid ah Culima'udiinka Magaalada ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray Duqa Magaalada Beledweyne uu yahay mid dhaawacaya qalbiyada sida ay hadalka u dhigeen Culimada,  dadka ku xiran Masjidyada ama Cibaadada u soo aada, iyagoo intaas ku daray intaas badalkeeda looga baahnaa Duqa Magaalada in uu xoogga saaro sidii looga rari lahaa Ciidamada Itoobiya goobaha lagu Cibaadeysto.
 
"Culima'udiinku marnaba raali kama ah wax yaabaha dhacaya, ma'na ahan in arimaha socda laysku dhax qaldo, sidaa daraadeed waxaan ka codsaneynaa Mas'uuliyiinta joogta Magaalada iyo Odayaasha dhaqanku in ay xoogga saaraan sidii dib Masjidyadaa loogu furi lahaa madaama ay fooda nagu soo heyso Bisha Barkeysan ee Ramadaan” ayay ku sheegeen Culimadu qoraal ay soo gaarsiiyeen HOL.
 
Inta badan waxaa xiran Masjidyadii  Magaalada Beledweyne ugu waa weynaa kuwaasi oo aan wax salaad ah lagu Tukan tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay dhawaan dagaallada ka dhaceen Magaalada Beledweyne, gaar ahaan waxaa soo baxaya warar sheegaya in Ciidamada Itoobiyaanku si gaar ah farta ugu fiiqeen Masjidka ugu weyn Magaalada Beledweyne ee lagu magacaabo (Bardaha) kaasi oo wadada gasha dhowr jeer laga soo weeraray Ciidamada.
 
Dhinaca kale waxaa la sii dyay dhalinyaro maalintii shalay ahayd ay Ciidamada Itoobiyaaka xireen kadib  markii ay kala dageen Gaari Safar ahaa oo ay la socdeen, waxaana wararku sheegayaan in dhalinyaradaasi la sii dayay kadib markii la ogaaday in aysan wax shaqo ah ku laheyn arimaha lagu eedeeyay ee ah in ay ka tirsanaayeen kooxaha wax weerara.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia