Talaado, August 26, 2008(HOL): Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho iyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwii dhawaan lagu soo tababaray Dalka Itoobiya ayaa waxay fariisimo ka sameysteen Wadada isku xirta Isgoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.
Ciidamada Amisom ayaa waxay fariisin ka sameysteen Dugsigii Farsamada gacanta, halkaasi oo ay horay u deganaayeen dad badan oo ka soo barakacay qaar ka mid ah Gobollada Dalka kadib markii ay colaado iyo abaaro ka dhaceen.
Dadkii halkaas deganaa ayaa markii ay Ciidamada fariisimaha ka dhigteen Dugsigaas waxay bilaabeen in ay halkaas ka sii barakacaan iyagoo ka baqaya in ay waxyeello ka soo gaarto weerarro ay suurtagal tahay in Ciidamadaas lagu qaado.
Xero Maslax lagu magacaabo oo ku taala inta u dhaxeysa Isgoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa iyadana fariisin ka sameystay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka, kuwaasi oo saaka la arkayay iyagoo dadka Wadadaas isticmaala baaraya.
Fariisinka ay Ciidamadan ka sameysteen inta u dhaxeysa Igoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa wuxuu yimid kadib markii dhowr Miinooyin lagu qarxiyay Wadadaas, iyadoo shalay oo ugu dambeysayna halkaas lagu qarxiyay gaari ay la socdeen saraakiil ka tirsan Waaxda Canshuuraha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, Wadada isku xirta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Isgoyska KM4 ayaa wuxuu muhiim u yahay dhaqdhaqaaqyada Ciidamada Amisom iyo weliba Mas’uuliyiinta Dowladda, kuwaasi oo dhowr jeer Miinooyin loogu aasayWadadaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia