Talaado, August 26, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa saaka waxaa ka dhacay Dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isugu adeegsaday, kaasi oo ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Hodan.
Dagaalkan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Xeradii Saraakiisha Shiirkole iyo Xeradii Guul-wadayaasha, iyadoo dagaalkana uu qarxay kadib markii ciidamo xerooyinkaas ku jira madaafiic lagu weeraray.
Dagaalka oo madaafiicda la isugu adeegsanayay laga maqlayay xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho ayaan la soo sheegin wax khasaare ah oo ka soo gaaray dadka rayidka ah, waxaana taasi ugu wacan iyadoo xaafadaha uu dagaalka ka dhacay ay horay uga barakaceen dadkii deganaa.
Ilaa iyo haatan ma jiraan wax warar ah oo ka soo baxay dhinacyada uu dagaalka dhexmaray, kaasi oo ku aadan khasaaraha dagaalkaas ka dhashay iyo ciddii markii horeba bilowday.
Dagaalka saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo todobaadkii hore dabayaaqadiisii ay ahayd markii dagaal ka dhacay Magaalada Muqdisho uu sababay dhimashada dad 10 ruux kor u dhaafayay iyo dhaawac intaas ka badan, iyadoo dadka waxyeellada soo gaartayna ay u badnaayeen kuwo uu madfac kula dhacay Masjidka Abuu Hureyra ee ku yaala Suuqa Bakaaraha.
Sidoo kalena Dagaalka saaka dhacay iyo dagaalladii todobaadkii hore dhacay ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo 18-kii bishan ay Dalka Jibouti Heshiis mar labaad ku wada saxiixdeen dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, iyadoo qodobada heshiiskaasna uu ka mid ahaa qodob sheegayay in dagaallada la joojiyo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia