Diyaarad lagu soo rasaaseeyay Magaalada Kismaayo oo ku degtay Garoonka Diyaaradaha No. 50

Talaado, August 26, 2008(HOL): Diyaarad kuwa qaadka ah oo dooneysay in ay ku degto garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismayo ayaa halkaas lagu rasaaseeyay, iyadoo kadibna u soo duushay dhinaca Garoonka Diyaaradaha No. 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dad ku sugan magaalada Kismaayo oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in Xoogagga gacanta ku haya Magaalada Kismaayo ay diyaaradda rasaaseeyeen iyagoo diidanaa in ay diyaarad sida Qaad ay ku soo degato Garoonka Diyaaradaha Kismaayo.

Diyaaradda oo si caadi ah ugu soo degtay Garoonka No. 50 ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo rasaaseed, kuwaasi oo ka soo gaaray Baalasha iyo qeybta shidaalka ay ku qaadato.

Howl-wadeenna Garoonka Diyaaradaha No.50 ayaa waxay xaqiijiyeen in ay diyaaraddan si caadi ah u soo caga-dhigatay Garoonkooda, inkastoo ay sheegeen in uu diyaaradda dhaawac rasaaseed ka muuqdo.

Dhawaan ayay ahayd markii Diyaarad Qaad waday oo ku soo degan lahayd garoonka Diyaaradaha No. 50 ay ku dhacday Tuulo garoonkaas u dhow, iyadoo halkaasina ay ku dhinteen Duuliyihii Diyaaraddaas kaxeynayay iyo labo ka mid ah shaqaalihii diyaaradda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia