3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 20, 2020
Shir heer Wasiirro ah oo looga arrinsanayo isu-duwida siyaasadaha socdaalka shaqaalaha ee Bariga iyo Geeska Afrika oo Nairobi ka furmay


Isniin, Janaayo, 20, 2020 (HOL)- Wasiirrada Shaqada ee Bariga iyo Geeska Afrika ,ayaa maanta waxaa uu shir uga furmay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya,iyada oo shirka looga hadlayo isu-duwida siyaasadaha socdaalka shaqaalaha ee Bariga iyo Geeska Afrika.

Kulanka oo soconaya muddo labo maalin ah ayaa Wasiirrada Gobolka siinaya fursad ay uga wada-hadlaan oo ay ku wadaagaan siyaasadaha socdaalka shaqo ee jira iyo wax ka qabashada caqabadaha.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfa oo furitaanka shirka khudbad ka jeediyay, wuxuu sheegay ka hadlida arrimaha shaqada inay fursad u abuurayso bulshada gobolka.

"Haddii socdaalka Shaqaalaha si habsami leh loo maareeyo, faa'iido weyn ayey u yeelan kartaa waddamada ay ka soo jeedaan iyo kuwa ay shaqada u doonteenba,taariikhda ayaana caddeysay." ayuu yiri.

"Qofna ma aha inuu naftiisa khatar u geliyo si uu u helo nolal wanagsan.. Xukuumadda Soomaaliya dadaal ayay ku bixinaysa sida ay bulshadu u heli lahaayeen fursado shaqo oo is beddel dhaliya ." ayuu raaciyay.

Shirka waxaa soo agaasimey Hay'adda Socdaalka Qaramada Midoobey ee IOM iyo Wasaaradda Shaqada iyo Ilaalinta Bulshada dalka Kenya ee martida loo ahaa.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
1/20/2020 11:23 AM EST
Isniin, Janaayo, 20, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in ay Soomaaliya ku casuumtay Turkiga si ay uga baaraan shidaalka badeeda isla markaana Ankara ay qaadi doonto tillaabooyin looga jawaabayo codsiga Soomaaliya.

1/20/2020 11:09 AM EST
Isniin, Janaayo, 20, 2020 (HOL)- Ciidamada Maraykanka ayaa duqayn ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay degaanka Baneeni oo 8-KM dhanka galbeed kaga beegan Degmada Jamaame ee Gobbolka Jubbada Hoose.

1/20/2020 10:32 AM EST
Isniin, Janaayo ,20, 2020 (HOL )– Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta isku shaandheyn kooban ku sameeyey qaar mid ah xukuumadiisa, kuwaas oo u badan agaasimeyaal.

1/20/2020 7:16 AM EST
Isniin, Janaayo, 20, 2020 (HOL)-Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Columbus ayaa xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay Marwo Asha Gelle Diriye oo wasiir ka Haweenka iyo Arimaha Qosyka ka soo noqotay Puntland kana mid ahayd dadkii wax ka qoray dastuurka soomaaliya ee hada jira.

1/20/2020 7:06 AM EST
Isniin, Janaayo, 20, 2020 (HOL)-Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya la wareegeen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka islamarkaana ay horay u maamulayeen xoogagga Ururka Al-shabaab

1/20/2020 6:57 AM EST
Isniin, Janaayo, 20, 2020 (HOL)- Ciidamada nabad sugida Puntland, ee loo yaqaano PSF, ayaa sheegay inay hawlgallo amni sugid ah ka sameeyeen Buuraleyda iyo dhulka xeebaha ah ee degaanada durduri iyo ceelaayo ee gobolka sanaag, Puntland, Soomaaliya.

1/20/2020 6:13 AM EST
Isniin, Janaayo, 20, 2020 (HOL)- War-murtiyeed ayaa kasoo baxay Shirka Iskaashiga Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Puntland iyo Jubbaland, shirkaas oo magaalada Bosaso ka socday labadii maalin ee lasoo dhaafay.

1/20/2020 6:05 AM EST
Isniin, Janaayo, 20, 2020 (HOL)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe oo ku sugan Puntland, ayaa ugu baaqay ganacsatada gobolka Bari inay joojiyaan taageerada ay siinayaan kooxaha Shabaab iyo Daacish.

1/20/2020 3:17 AM EST
Gudoomiyaha intuu uu ku sugnaa Magaaladaan Qaahira ayuu ka qaybgalay kulamo & shirar ay yeesheen madaxda ciyaaraha Minifootballka carbeed oo ka kooban 16 dal inkastoo sanadkaanay ciyaarahaan ka qaybgalayaan sideed wadan kaliya.

1/20/2020 2:39 AM EST
Isniin, Janaayo, 20, 2020 (HOL)-Wafti kasocday Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa dhawaan marti qaad ka helay Dawlada Deegaanka Soomaalida, gar ahan Gobolka Doollo xaruntiisa Wardheer.