Hiiraan Online
4/20/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Jan 20, 2020
War murtiyeed kasoo baxay shirkii u dhexeeyay Puntland iyo Jubbaland
Isniin, Janaayo, 20, 2020 (HOL)- War-murtiyeed ayaa kasoo baxay Shirka Iskaashiga Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Puntland iyo Jubbaland, shirkaas oo magaalada Bosaso ka socday labadii maalin ee lasoo dhaafay.
War murtiyeedka ayaa loogu baaqay aqalka sare inuu ka shaqeeyo sidii uu isugu keeni lahaa dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah, si loo helo xal lagu wada shaqeyn karo.
Puntland iyo Jubbaland waxay ka digeen in dowladda federalku siyaasadayso mashaariicda horumarinta arrimaha bulshada, iyagoo sheegay tilaabadadaas inay sii murjin karto xaalada dalka.
Waxay sidoo kale ku baaqeen in xoriyadiisa loosoo celiyo wasiirka amniga Jubbaland oo u xiran dowladda federalka lana joojiyo caburinta lagu hayo dowladdaha xubnaha dowladda federalka.
Waxay labada maamul ku baaqeen in la isugu yimaado shir wadatashi oo xal looga gaarayo xaalada cakiran ee dalku marayo sida ay sheegeen.
Halkaan hoose ka aqriso war murtiyeedka.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]