Isniin, Janaayo ,20, 2020 (HOL )– Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta isku shaandheyn kooban ku sameeyey qaar mid ah xukuumadiisa, kuwaas oo u badan agaasimeyaal.
Isku shaandheyntan ayaa iskugu jirtay
xil ka qaadis iyo isku bedel agaasimeyaasha wasaaradaha qaarkood.
Labada masuul ee uu xilka ka
qaaday ayaa kala ah: Amaal Cabdi Xasan oo ahayd Guddoomiye Ku-xigeenkii Hay’adda Dhawrista Tayada iyo Maxamed Aadan
Xirsi oo ahaa Agaasimaha Guud ee Komishanka Maamul Wanaaga.
“Sida aad la socotaan, xilka
Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii
hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta
aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka
Hay’adda Dhawrista Tayada iyo Agaasimaha Guud ee Guddida Maamul Wanaaga. Waxaan
idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalkaa Qaranka.”ayaa lagu yidhi
qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.
Sidoo kale, masuuliyiintani waa
qaar la isku bedelay iyo qaar xilalka ku cusub:
1 . Cabdinaasir Axmed Xirsi Maxamed Agaasimaha
Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga.
2. Eng. Cabdiraxmaan Maxamed
Muxummed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska.
3. Cabdirisaaq Jaamac Nuur
Naakhuude Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
4. Maxamed Yuusuf Ismaaciil
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.
5. Axmed Cabdi Ismaaciil Caqli
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha.
6. Cabdiwaasac Maxamed Yuusuf
Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada.
7. Axmed Cabdirisaaq Diiriye
Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka.
8. Maxamed Axmed Xasan (Jabarti)
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaaradda.
9. Maxamuud Ismaaciil Cilmi
Agaasimaha Guud ee Guddida Maamul Wanaaga.
Waxa xusid mudan in masuuliyiinta
xilka laga qaaday ay ku jirto qof dumar ah, isla markaana masuuliyiinta cusub ee la soo magacaabay aanay ku jirin
dumar, taas oo kor u qaadaysa cabashadii ay dumarku hore uga cabanayeen inay ku
yar yihiin xilalka xukuumadda.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.