4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 20, 2020
Madaxweyne Axmed Madoobe” Ganacstada Bosaso waxaan leeyahay joojiya taageerada aad hoos ka siinaysaan cadawgiina
 

Isniin, Janaayo, 20, 2020 (HOL)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe oo ku sugan Puntland, ayaa ugu baaqay ganacsatada gobolka Bari inay joojiyaan taageerada ay siinayaan kooxaha Shabaab iyo Daacish.

“Ganacsatada waxaan ku ogaa baqeylnimo, haddana waxay ku darsadeen fuleynimo. Waxaan leeyahay ganacsatada reer Bari joojiya xidhiidka la sameynaysaan iyo taageerada aad hoosta ka siinayaan cadowgiina.” Ayuu yidhi madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka baaqday socdaal uu ku tagi lahaa tuulada Galgala, si uu u soo arko wax soo saarka beeraha halkaas kuyaala, isagoo muujiyay cabsida ay bulshadu ka qabaan labada buurood ee Bosaso ku hareeraysan ee ay ku jiraan Shabaab iyo Daacish.

“War xoolihiina inad bixisaan oo xasuuq bulshada loogu geysto, ma raalli ayaad ka tihiin? Waa ehel iyo qabiil midna idin ku dayn maayaan,” ayuu yidhi Axmed Madoobe.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]