Isniin, Janaayo, 20, 2020 (HOL)-Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya la wareegeen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka islamarkaana ay horay u maamulayeen xoogagga Ururka Al-shabaab.
Sarkaal u hadlay ciidamada oo lagu magacaabo Xasan Aadan Maxamed Ciraaqi ayaa sheegay in howlgalka ay ku dileen illaa 12 ka tirsan Al-Shabaab, halka tiro intaa ka badan ka
dhaawaceen.
Ciraaqi ayaa intaa ku darray in ciidamada ay la wareegeen tuulooyin degmada Kamsuuma u jira illaa 37KM, waxaana tuulooyinka ay la wareegeen ka mid ah Malaayley, Janaale Gaay, Reerneerow, Bandar Jadiid iyo deegaanka Bengaani.
Laakiin dhinaca kale War ka soo baxay Ururka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ay iska caabiyeen weerar uga yimid ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya ciidamo Ajnabi ah.
Maalmihii ugu danbeeyayba qeybo ka mid ah gobollada Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose waxaa ka socda howlgalo ka dhan ah Ururka Al-shabaab iyadoo Dowladda Soomaaliya ay guulo ka sheegatay howlgaladaas.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]