4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 20, 2020
Maraykanka oo ka hadlay duqayn ka dhan ah Al-shabaab oo laga fuliyay meel ku dhow Jammaame
 

Isniin, Janaayo, 20, 2020 (HOL)- Ciidamada Maraykanka ayaa duqayn ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay degaanka Baneeni oo 8-KM dhanka galbeed kaga beegan Degmada Jamaame ee Gobbolka Jubbada Hoose.

Duqayntaan ayaa taliska Maraykanka Afrika ku tilmaamay inay ciidamada milatariga Soomaaliya ka caawinayso sidii ay dhul badan ugala wareegi lahaayeen ururka Al-shabaab oo saldhigyo culus ku leh aagaas.

Duqayntaan ayaa lagu bartilmaameesaday dagaalyahannada al-Shabaab oo hanjabaad culus u diray ciidamadda Maraykanka iyo kuwa Soomaaliya oo iska kaashanaya, sidaasi waxaa yidhi, Maj. Gen. William Gayler, oo ah madaxa howlgalka Taliska Mareykanka ee Africom.

“Al-Shabaab waxay ka kooban tahay argaggixiso iyo dambiilayaal doonaya inay si ballaadhan u faafiyaan nacaybka iyo rabshadaha. Waxaa naga go'an in aan taageerno jaalayaasheena Soomaaliyeed iyo horumarka amniga aan si wada jir ah uga wada wadno gobolka. ” ayaa lagu yidhi warkaan.

Africom waxay sheegeen inay qiimaynayaan weerarkan oo lagu dilay saddex xubnood oo katirsan Al-shabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]