4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 20, 2020
Madaxweynaha Turkiga oo sheegay in Soomaaliya ay ku casuuntay Turkiga inay shidaal ka baaraan baddeeda
 

Isniin, Janaayo, 20, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in ay Soomaaliya ku casuumtay Turkiga si ay uga baaraan shidaalka badeeda isla markaana Ankara ay qaadi doonto tillaabooyin looga jawaabayo codsiga Soomaaliya.

Waxaa jira dalab ka yimid Soomaaliya. Waxay dhaheen: saliid baa ku jirta badahayaga. Howlgalladaas waxaad ka qabaneysaan Liibiya, sidoo kale waad ku sameyn kartaa dalkeenna. 'Tani aad bey muhiim noogu tahay, "ayuu yiri Erdoğan, kadib markii uu kasoo laabtey shirkii Liibiya ee ka dhacay Berlin.

Madaxwayene Erdogan ayaa sheegay inay jiri doonaan tillaabooyin ay qaadi doonnaan si ay baaritaaan shidaal raadin ah uga sameeyaan baddaha Soomaaliya.

Turkiga ayaa saaxiib weyn la ah Soomaaliya kadib abaartii Soomaaliya ee 2011, iyadoo Ankara ay doonayso inay kordhiso saameynta ay ku leedahay Geeska Afrika si ay uga hortagto xulafada Khaliijka sida Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Injineerada Turkiga ayaa gacan ka geysanaya dhismaha wadooyinka Soomaaliya. Saraakiisha Turkiga ayaa tababaray askarta Soomaaliyeed ah, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu dhisayo ciidamada dalka.

Dabayaaqadii Diseembar, koox injineerro ah oo Turki ah ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay qarax ka dhacay bar kontorool oo ku taal Muqdishu kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 90 qof.

Sidoo kale, toddobaadkaan, gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa ku dhaawacay ilaa 15 qof, oo ay ku jiraan qandaraasleyaal Turkish ah, oo ku sugan Afgooye.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]