3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 4 , 2019
Dowladda Soomaaliya oo diidday in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda Badda

Jimco, October, 04, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan marna aqbali doonin in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda Badda, kaddib markii ay dowladda Kenya codsatay muddo kale oo dhageysiga kiiska dib loo dhigo.

Ra’isul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahad Maxamed Guuleed oo hoggaaminaya  wafdi dowladda Soomaaliya u dirtey maxkamadda ICJ ayaa sheegay in dowladdu ay aaminsan tahay maxkamada caalamiga ah si cadaalad ahna loogu garnoqo kiiska badda ee kala dhexeeya dalka Kenya.

“Dowladda Soomaaliya go’aankeedu waxa uu yahay inaanan aqbalayn wax ka badan 4ta November,kiiska maxkamada ayuu ku jiraa dowladda Kenyana waxay dooneysaa in muddo 12 bilood ah dib loo dhigo taasna iyada ayay jirtaa.”ayuu yiri Guuleed.

Wuxuu inta ku daray  in dowladda Soomaaliya ay gudbisay qoraalkeeda diidmada ah, islamarkaana Kenya ay dhankeeda soo gudbisay in muddo 12 bilood ah lagu daro.

Doodda cusub ayaa timid markii maxkamadda dambiya caalamiga ah ee ICJ oo kiiska uu horyaal ay  u yeertay labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya iyadoo maanta dhagaysatay wakiillada ka socday dalka Kenya iyo Soomaaliya waxaana laga sugayaa maxkamadda ICJ in ay go’aan ka gaarto xilliga la dhagaysanayo dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya.



Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/4/2019 11:14 AM EST
Jimco, Octobar 04, 2019 (HOL )– Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa kulan iskugu keenay madax dhaqameedka gobolka Awdal si uu u xaliyo khilaafyadii beelaha ee doorashadii madaxtooyadu keentay.

10/4/2019 10:12 AM EST
Jimco, October, 04, 2019 (HOL)-Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa iska fogeeyay in uu heysto dhalashada Soomaaliya, isaga oo sheegay in uu yahay Kenyaan ku faraxsan dhalashadiisa.

10/4/2019 10:00 AM EST
Jimco, October, 04, 2019 (HOL)-Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Shir Kula Qaatay Magaalada Muqdisho Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, Ambassador James Swan.

10/4/2019 7:56 AM EST
Jimco, October, 04, 2019 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay muhiimada dib u furista Safaaraddii Mareykanka ee Soomaaliya

10/4/2019 6:29 AM EST
Jimco, October, 04, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa sheegay in guuud marka la eego dalka uu faraha ka baxay, isaga oo dowladda ku eedeeyay in ay ka gaabisan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

10/4/2019 3:58 AM EST
Jimco, October, 04, 2019 (HOL)-Waxaa markii u horeysay deegaanka Soomaalidu yeelanayaa Ciidan gaar ah oo loo tababarayo Kamaandoos, kuwaas oo ka hawlgalaya magaalada Jigjiga iyo hadba meeshii ay dhibaatooyin gaar ahi ka jirto.

10/4/2019 3:50 AM EST
Jimco, October, 04, 2019 (HOL)- Inta la xaqiijinayo 13 ruux ayaa ku dhimatay 38 kalana dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray shil gaari oo ka dhacay dalka Kenya.

10/4/2019 2:16 AM EST
Jimco, October, 04, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaarisay ciidamo Booliis ah oo suga Amniga deegaannada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM kala wareegaan Al-shabaab.

10/4/2019 1:56 AM EST
Jimco, October, 04, 2019 (HOL)-Xildhibaan Safiya Cabdi Nuur Toorrey oo ka mid ah xildhibaannada Soomaalida ah ee ku jira Baarlamaanka Kenya ayaa sheegtay in Kenya xaq u leedahay dalabkeeda ah in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska Badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

10/4/2019 1:25 AM EST
Jimco, October, 04, 2019 (HOL)-Maxkamada Cadaallada Aduunka ICJ ayaa la filayaa in ugu danbeyntii go'aan ka gaarto xiisada mar kale ka soo dhax cusboonaatay ee Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ee dhageysiga Kiiska muranka Badda ee u dhaxeeya labada dowladood.