4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 4 , 2019
Shil sababay dhimashada 13 ruux oo ka dhacay dalka Kenya

 

Jimco, October, 04, 2019 (HOL)- Inta la xaqiijinayo 13 ruux ayaa ku dhimatay 38 kalana dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray shil gaari oo ka dhacay dalka Kenya.

Shilkan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa ka dhashay kaddib markii sku dhaceen Gaari Bas ah iyo Baabuur xamuul ah oo marayay inta u  dhaxaysa degaanka Pala oo ka tirsan ismaamulka Kisumu iyo  magaalada Kericho ee dalka Kenya. 

Dadka ku dhintay shilka waxaa ku jira labadii darwal ee waday labada gaari ee isku dhacay, sida uu Jariiradda Daily Nation u sheegay  Taliyaha Ciidanka Booliska ismaamulka Kisumu, Benson Maweu.

Dadka ku dhaawacmay shilka ayaa la dhigay Ispitaallada Ismaamulka Kisumu , iyadoo  qaarkoodna ay xaaladdoodu liidato, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen  qaar ka mid ah Saraakiisha Laanqeyrta Cas ee dalka Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]