
Jimco, October, 04, 2019 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay muhiimada dib u furista Safaaraddii Mareykanka ee Soomaaliya
newsinsideWasiir Cawed ayaa muhiimad weyn ku tilmaamay in ay Safaaradda Maraykanka dib uga howl-billowday Muqdisho muddo dheer kaddib, wuxuuna sheegay in ay wixii haatan ka billowda sare u qaadi doonto tallaabadan sumcadda Dowladnimodeenna, iyadoo uu xiriirka labada dalna nonon doono mid toos ah oo aan loo dhaxayn.
Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibbada ayaa dhanka kale bogaadiyay Dhismaha cusub ee Safaaradda Soomaaliyeed ee Maraykanka, kaas oo ay madaxda Dowladdu ka iibiyeen bartamaha Magaalada Washington DC, wuxuuna sheegay in wixii haatan ka dambeeya aysan ka baqayn in la weydiiyo kiro ama laga saaro xarunta Dalka laga matalo.
Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawed oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa soo hadal qaaday xiriirka soo wanaagsanaanaya ee kala dhexeeya Soomaaliya, isagoo tusaale usoo qaatay qaraarkii cunaqabataynta ahaa oo ay dhowaan golaha ammaanka u gudbisay Kenya in ay difaacday xukuumadda Washington.
Mareykanka ayaa dhawaan si rasmi ah shaaciyay in dib loo furay safaaraddii uu ku lahaa magaalada Muqdisho oo la xiray sanadkii 1991kii waqtigaa oo ay burburtay dhexe ee dalka,
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]