4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 4 , 2019
Maxkamadda ICJ oo go'aan ka gaari doonta codsiga mar kale ka yimid Kenya ee dib u dhigista dhageysiga Kiiska Badda

 

Jimco, October, 04, 2019 (HOL)-Maxkamada Cadaallada Aduunka ICJ ayaa la filayaa in ugu danbeyntii go'aan ka gaarto xiisada mar kale ka soo dhax cusboonaatay ee  Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ee dhageysiga Kiiska muranka Badda ee u dhaxeeya labada dowladood.

Dowladda Kenya ayaa mar kale soo gudbisay dalab ku aadan in dhageysiga Kiiskan dib loo dhigo ilaa bisha Sebtember 2020-ka, laakiin Soomaaliya ayaa diiday dalabka Kenya iyadoo ka codsatay Maxkamada in dhageysiga Dacwadda la qaado waqtiga lagu balamay oo ku beegan 04 November, ee isla sanadkan 2019ka.

Ismari-waaga labada dowladdood  ee dib u dhigis  mar labaad lagu sameeyo dhagaysiga dacwadda, ayaa keentay marka danbe Maxkamadu u sheegto in ay iyadu gaari doonto go'aanka kama danbeysta ah.

Markii labaad oo ay dowladda Kenya dalbato in dib loo dhiggo dhageysiga Dacwadda Badda iyadoo horay cod uga yimid Kenya awgeed Maxkamadu u go'aansatay in Labo bilood dib loo dhigo la bilaabo dhageysiga Kiiskan.

Madaxweynayaasha labada waddan ayaa bishii hore ku kulmay magaalada  New York intii uu socday kulanka Golaha Guud ee Qarramada Midoobay iyadoo  madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku baaqay inay labada dawladood wada  hadlaan, halka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sheegay in loo  baahan yahay in maxkamadda ICJ ay go'aan garsoor ka gaarto muranka  badda.

Dhagaysiga dacwaddan ayey ahayd inuu dhaco 9-13 kii bisha Sebtember ee aynu soo dhaafnay hase yeeshee waxaa dib loogu dhigay codsi ka yimid dhinaca Kenya oo ku dooday inay qabsanayso qareenno cusub.

Dadka sida weyn ugu dhuundaloola arrimaha doodda labada dowladdood ee la xiriirta xudduud Baddeedka leysku hayo ayaa qaba In Kenya aysan kalsooni badan ku qabin go'aanka ay ka gaari doonto Maxkamada Kiiskan oo ay u aragto mid aan iyada u wanaagsaneyn, waana tan keenta in Kenya ka dalabto Soomaaliya in Kiiskan lagu xaliyo meel aan Maxkamadda aheyn [Wadahadal]

Laakiin Soomaaliya oo u muuqata mid kalsoon Maxkamada ayaa ku adkeysaneysa in ay ku qanci doonto go'aan walba oo ay maxkamadu ka gaarto Kiiskan. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]