4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 4 , 2019
Axmed Madoobe'' Hubka dowladda waxaa loo geeyaa Al-shabaab Amnigana faraha ayuu ka baxay

 

Jimco, October, 04, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa sheegay in guuud marka la eego dalka uu faraha ka baxay, isaga oo dowladda ku eedeeyay in ay ka gaabisan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Wuxuu sheegay dowladda Soomaaliya sugida Amniga ka doorbiday in ay kala furfurto ciidamada sida uu hadalka u dhigay in hubka dowladda loo geeyo  Ururka Al-shabaab.

“Wax-yaabaha qaar ee dhacaya ma ahan wax sax ah In lala  dagaalamo Al-Shabaab waxaa lagu bedelay in Ciidamada la kala fur furo  iyo in hubkii dowladda shabaab loo geeyo,waxaad ogtihiin in maalmihii la  soo dhaafay ay dhaceen qaraxyo iyo dagaalo ayuu yiri”Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa tan iyo  markii uu soo bilaawday khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka  waxaa uu eedeymo kala duwan uu u jeedinayay Madaxda dowladda federaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa aqoosaneyn dib u doorashada Axmed Madoobe oo ay ku tilmaamtay doorashadiisa mid sharci darro ah oo loo marin nidaamka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka u dajisay doorashooyinka dowlad gobolleedyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]