4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 4 , 2019
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo Booliis ah u diyaariysay deegaannada lagala wareego Al-shabaab

 

Jimco, October, 04, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaarisay ciidamo Booliis ah oo suga Amniga deegaannada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM kala wareegaan Al-shabaab.

Go'aankan ayaa ka dhashay kulan magaalada Muqdisho ku dhaxmaray Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo saraakiisha ugu sareysa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Kulanka labada dhinac ayaa looga hadaly dardar gelinta qorshaha sugidda amniga dalka iyo fududeynta dib-u-habeynta Booliiska, si loogu guuleyso  tayeynta ciidamada Booliiska oo qayb ka ah qorshaha guud ee ciidamada  Soomaaliyeed ay kula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka oo dhan.

Saraakiishii Booliiska ayaa Ra'iisal Wasaaraha uga waramay howl galladii ugu dambeeyay ee Booliisku amniga dalka ku sugayeen  iyo guulahii laga gaaray, qorshaha ciidamo Booliis ah lagu geynayo  deegaannada laga saaray Al-Shabaab, waxaa ayna ballan qaadeen in ay fududeynayaan qorshaha dib-u-habeynta Booliiska iyo in ay sare u qaadayaan howlgallada Amniga lagu xaqiijinayo.

Al-shabaab ayaa inta badan weerarro helis ah ka geysta deegaannada lagala wareegay oo hadda ay gacanta ku hayaan ciidamada militariga Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]