4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 4 , 2019
Daahir Riyaale Kaahin oo kulan la qaatay madax dhaqameedka gobolka Awdal

 

Jimco, Octobar 04,  2019  (HOL )– Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa kulan iskugu keenay madax dhaqameedka gobolka Awdal si uu u xaliyo khilaafyadii beelaha ee doorashadii madaxtooyadu keentay.

Tan iyo intii doorashadii madaxtooyada Somaliland ka dhacday Somaliland waxay bulshada kaga tagtay tafaraaruq iyo inay bulshaddu kala qaybsanto, si arrintaasi xal loogu helleo ayuu haldoorkii bulshada iyo madax dhaqameedkii gobolka Awdal uu iskugu keenay.

“madax dhaqameedkii galbeedka Somaliland ayuu isku kaayo yeedhay, waxaana ku galnay shir balaadhan oo midnimada Somaliland ah, dardaaran iyo waayeelnimo ayuu halkan isku kaayo yeedhay, in xanaftii doorashadda iyo hadaladii hawada la isku marinayey ayaanu iskaga garownay buu ahaa kulankani”ayuu yidhi Suldaan Dhowal oo ujeedadda shirka ka hadlayey.

“waxa laga wada hadlayey mar hadii doorashadii laga baxay dhibaatadii ay keentay ee qabyaalad ahayd aynu ka baxno oo aynu ka midawno kuwa soo socda si wanaagsan ha loo gallo, waxaana lagu wada shaqaynayaa walaaltinimo iyo midnimada Somaliland, si loogu dhaqaaqo horumarka gobolada galbeedka”ayuu yidhi Suldaan Samatar.

Intaas ka dibna waxa ka hadlay madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale waxaanay sheegay in ujeedadda uu u qabtay shirkan ay tahay ka dib markii uu arkay hadaladii aan wanaagsanayn ee hawada la isku marin jirey in la soo afjaro oo midnimadii bulshada dib loo soo celiyo.

 

“Kulankani wuxuu ahaa shir lagaga hadlayey in qardoofooyinkii ka dhacay doorashadda ka midowdaan oo dantiina u noqotaan si u wanaagsan dalka iyo umadaba aad u maamushaan, oo qabyaalad loo kala raacin xisbiyada ee qof waliba ninka uu doonayo uu doorto oo aad u midowdaan danta Somaliland iyo ta gobolkaba”ayuu yidhi madaxweyne Rayaale oo dardaar siinayey madaxdhaqameedka iyo odayaasha gobolada galbeedka Somaliland.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.