
Jimco, October, 04, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Shir kula Qaatay magaalada Muqdisho ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador James Swan.
newsinsideKulankan waxaa Looga Hadlay dadargalinta iyo ka Faaideysiga mashaariicyada horumarineed ee UNka gaar’ahaan maashaariicda dib-u-heshiisiinta, dhismaha golayaasha deegaannada iyo hirgalintan mashaariicda saameynta degg-daga (Quick Impact Projects) ee loo Sameynayo magaalooyinka dib looga xoreeyay Al-shabaab, kala shaqeyn DG Hirshabeelle Horumarinta deegaanada iyo xoojinta dowladnimada deegaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle
Waxaa kale oo kulankan looga hadlay sidii hey’adaha UNICEF iyo heya’da beerha iyo Waraabka Qarramad Midoobay FOA ay u dardargalin lahaayeen mashaariicda biyaha gaar ahaan helista biyo nadiif ah iyo ka hortaga fatahaadaha ka dhaca magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]