4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 6 , 2019
Nadia Mohamed oo ku guuleysatay in ay ka mid noqoto Golaha deegaanka magaalada St. Louis Park City

 

Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)-Nadia Mohamed oo ah Gabar dhalinyarro ah oo Soomaaliyeed ayaa sameysay taariikh habeennimadii Tallaadada kaddib markii ay ku guuleysatay in ay ka mid noqoto golaha deegaanka magaalada St. Louis Park City ee dalka Mareykanka

Nadia oo ah gabar 23 sano jir ah ayaa noqon doonta qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah iyo qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo ku biirta Golaha deegaanka magaalada St. Louis Park City.

''Sababta keentay in aan u tartamo kursigan ayaa ah aniga oo aamisanaa in aan ahay qof is badal keeni kara ayeey tiri Nadia Mohamed''

Nadia ayaa heshay codadka 63% kiiba iyadoo ka guuleysatay musharaxii la tartamayay oo lagu magacaabo  Joseph Israel received 36%, waxeyna badali doontaa Thom Miller oo aan isagu ka qeybgalin doorashada.

Marka laga soo tago Nadia sidoo kale waxaa jiray shaqsiyaad Soomaali ah oo iyagana ku soo baxay kuraasta golaha deegaanka qeybo kale oo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi Mareykanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]