4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 6 , 2019
Soomaaliya oo bisha December la filayo in ay ku dhawaaqdo shatiga shidaal dhan 30 bilyan oo fuusto

 

Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Soomaaliya Cabdirashid Maxamed Axmed ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters in Soomaaliya qorsheyneyso in bil kaddib bixisho shantiga ilaa 30 milyan oo fuusto oo shidaal si ay u soo jiidato shirkaddaha maalgashiga sameeya.

Wasiirka oo ka qeybgalayay shirk u saabsan shidaalka iy Gaas-ka uu ka socdo dalka Koonfur Afrika ayaa wasiirka waxaa kale oo uu sheegay in shirkado badan ay ku tartami doonaan sanadka 2020-ka.

"Waxaanu soo bandhigeynaa ilaa 15 xirmooyinka shidaalka ah," ayuu yiri Cabdirashid Maxamed Axmed oo ku sugnaa Magaalada Cape Town.

Wasiirka ayaa intaa ku darray in maclumaadka la xiriira sahankii dhawaan laga sameeyay 15-ka xirmo, laga yaabo in ay ku jiraan shidaal dhan 30 bilyan oo fuusto.

‘’Halka laga helay xirmooyinkan wey ka fog yihiin halka ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Kenya, dacwadaas oo haatan hortaala maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayuu yiri Wasiirka

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in burcadda xeebaha Soomaaliya ku dhibaateyn jirtay haatan la sifeeyay.

"Soomaaliya waxaa horay loogu yaqiinay burcad badeed, argagixiso iyo xasilooni daro , dowladdana waxaa ay wadaa dedaal lagu xasiinayo dalka," ayuu yiri wasiir Axmed.

Maalgashiga Gaas-ka iyo shidaalka ayuu sheegay in fursad shaqo ay u noqon doonta dhalinyarada, taas oo gacan ka geysan karta in da' yarta aysan ku biirin kooxaha burcadda, qeybna ka qaataan ammaanka dalka.

"Waxaa jira nidaam aan ku heshiinay oo dhigaya in haddii aan soo saarno shidaal, aysan dhici doonin dhibaato ka dhalata," ayuu raaciyay wasiirka oo wax laga weydiiyay bal in ay ka digtoonaadeen dhibaatooyinka ka dhasha shidaalka, maadama uu dhibaato u horseeday dalal badan oo caalamka.

Madaxweynah dowladda federaalka ee Soomaaliya ayuu sheegay in dhawaan uu saxiixi doonaa sharciga shidaalka, kaas oo haatan horyaala aqalka sare ee dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]