4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 6 , 2019
Maamulka gobolka Hiiraan'' Gurmadka si wanaagsan ayuu u socdaa

 

Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)- Maamulka gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay halka uu marayo gurmadka iyo gargaarka la gaarsiinayo dadka ay saameynta adag ku yeelatay fatahaaddii ugu danbeysay ee ku dhufatay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sheekh Xusseen Cismaan Cali guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada maamulka gobolka Hiiraan ayaa  sheegay in qeybinta deeqaha la gaarsiinayo dadka barakacay ay kala yihiin kuwo soo gaaray maamulka gobolka Hiiraan, kuwa ay bixinayaan shirkaddo madax-bannaan iyo waliba gargaar ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya.

''Gargaarka ilaa iyo hadda si wanaagsan ayuu u socdaan, waa laga wada qeybqaadanayaa, saddex waji ayuu gargaar ku leeyahay mid maamulka soo gaaray, garagaar ay ku deeqeen shirkaddo iyo waliba gurmad inooga yimid dhinaca dowladda, Annaga ka maamul ahaa shirkaddaha waan u madax-bannaaneyney in ay iyagu gacantooda ku qeybiyaan gargaar ay dadkaasi ugu tala-galeen'' ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada.

Dad badan ayaa shaki ka qaba in la musuq maasuqo gargaarka loogu talagalay dadka ku barakacay fatahaada hasse ahaatee maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in arintan ay ka leeyihin qorshe gaar ah islamarkaana qeybta gargaar ay bar bar socdaan saraakiil ka tirsan xeer ilaalinta iyo maxkamadaha heer dowlad oo shaqadoodu tahay in ay la socdaan sida gargaarka loo maamulayo.

Labadii cisho ee la soo dhaafay ayaa gargaarkii ugu badnaa waxaa la gaarsiiyay dadka ku sugan deegaanka Ceeljaale ee dulleedka Bari magaalada Beledweyne waxaa qeybta gargaarka goob joog u ahaa madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle iyo guddiga dowladda Federaalka u qaabilsan gurmadka. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]