4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 6 , 2019
Halkee ayuu marayaa gurmadka loo fidinayo dadka ay saameynta ku yeesheen fatahaadda Wabiyada

 

Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)- Maalmihii ugu danbeeyay waxaa si is daba joog ah uga soconayay guud ahaan dalka gurmadka gurmadka loo sameynayo dadka ay ku dhufteen fatahaadda Wabiyada Shabeelle iyo Jubba oo ay ugu dareyd magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo Boqolkiiba Sagaashan biyuhu qaadeen.

Guddiga gurmadka Fatahaadda oo ka kooban culimo iyo ganacsato Soomaaliyeed ayaa warbaahinta gudaha faahfaahin ka siiyay halka wax u marayaan iyo ilaa hadda waxa u qabsoomay, gaar ahaan marka la eego yabooha dhaqaale ee la helay.

Sheekh Aadan Sheekh Cali Diiriye oo ah Afhayeenka guddiga gurmadka culimada iyo ganacsatada Somaaliyeed ayaa ka war bixiyay waxyaabihii u qobsoomay inta ay ku jireen gurmadka loo fidinayey dadka ay sameyeen fatahadaha wabiyada Jubba iyo Shabeelle.

“Waxaa la yaboohay oo illaa iyo hadda Guddiga gacantooda soo gashay lacag dhan $955,742 Dollar, iyadoona la rajaynayo in lacago kale ay gacanteenna soo galaan” ayuu yiri Sheekh Aadan Cali.

Sheikh Bashiir Cumar Salaad oo ka mid ah guddiga howshaan gacanta ku haya ayaa sheegay in loo baahan yahay in la gar gaaro dadka Soomaaliyeed ee fatahaaduhu barakicyeen sanadkan, isagoona intaas ku daray in ummadda Soomaaliyeed ay tahay dad jecel in mar waliba ay isu gurmadaan.

Qarramada Midoobey ayaa sheegtay in dad ka badan 270, 000 oo ruux ay ku barakaceen fatahaadihii ugu danbeeyay ee ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka, kuwaa oo intooda badan ku barakacay daafaha magaalada Beledweyne.

Deegaanka Ceeljaale ee dulleedka magaalada Beledweyne oo ah halka ay ku sugan yihiin dadka ugu badan ka barakacay fatahaada magaalada Beledweyne ayaa maalmihii ugu danbeeyay la gaarsiiyay gargaar isugu jira Raashin iyo Agab kale oo ay ku deeqeen ganacsato Soomaaliyeed iyo shirkaddo Waddani ah oo ka damqaday xaaladaha nolaleed oo ay dadkani wajahayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]