11/17/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 6 , 2019
Dowladda oo ka digtay fatahaaddo iyo daadad hor leh oo ku dhufta mar kale qeybo ka mid ah Soomaaliya


 

Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay fatahaaddo iyo daadad hor leh oo mar kale ku dhufta qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Warkan oo ka soo baxay Wasaaradda Maareynta Masiibooyinka dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in roobab lixaad leh kana sarreeya 40mm la filayo in maanta iyo maalmaha xiga ay ka da’aan meelo ka mid ah dalka.

Qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan saacadihii ugu danbeeyay waxaa ka da'ayay roobab xoog leh oo saameyn ku yeeshay howlihii Garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne, inkastoo dhinaca kale marka la eego magaalada inta badan ay ka baxeen daadadkii ka soo rogmaday Wabiga Shabeelle.

Hoos ka akhriso digniinta ka soo baxday dowladda Soomaaliya :-

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 

 

 










Click here
11/6/2019 3:24 PM EST
Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)- Ugu yaraan 4 ruux ayaa geeriyooday tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen iska hor imaad caawa ka dhacay xarunta Baarlamaanka Puntland ee ku taalla bartamaha magaalada Garoowe.

11/6/2019 12:17 PM EST
Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in weerar Bam loo adeegsaday oo gurigiisa lagu qaaday lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha bulshada maamulka gobolka Shabeellaha Hoose

11/6/2019 9:34 AM EST
Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)-Rugta Ganacsiga ee Somaliland ayaa maanta ku dhowaaqday guddida taakuleynta Baladweyne oo qaadhaan loogu ururinayo dadka dhibaatada ka soo gaadhay biyaha Webiga ku fatahay dadweynaha reer Baladweyne oo gurmad degdeg ah u baahan.

11/6/2019 7:03 AM EST
Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)-Nadia Mohamed oo ah Gabar dhalinyarro ah oo Soomaaliyeed ayaa sameysay taariikh habeennimadii Tallaadada kaddib markii ay ku guuleysatay in ay ka mid noqoto golaha deegaanka magaalada St. Louis Park City ee dalka Mareykanka

11/6/2019 2:16 AM EST
Arbaco November. 06 2019 (HOL)Dood-cilmiyeedka Fagaaraha Forum ayaa shalay lagu qabtay magaaladda Minneapolis, waxaana ka qeygal guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Ismacil Ibrahim (Xalimo Yarey) wasiirkii hore ee Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada mudane Maxamed C/nuur Madeer, kuwaas oo aragtiyo kala duwan ka qabay doorashooyinka la filaayo ee 2020/21.

11/6/2019 1:01 AM EST
Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)-Baarlamaanka Dowlad gobolleedka Puntland ayaa la horgeeyay warbixin la xiriirta daniyadii ka dhacay deegaannada uu maamulka ka arimiyo lixdii bilood ee la soo dhaafay iyo eedeymo loo jeediyay ciidamada Amaanka.

11/6/2019 12:26 AM EST
Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)- Maamulka gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay halka uu marayo gurmadka iyo gargaarka la gaarsiinayo dadka ay saameynta adag ku yeelatay fatahaaddii ugu danbeysay ee ku dhufatay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

11/6/2019 12:07 AM EST
Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)- Maalmihii ugu danbeeyay waxaa si is daba joog ah uga soconayay guud ahaan dalka gurmadka gurmadka loo sameynayo dadka ay ku dhufteen fatahaadda Wabiyada Shabeelle iyo Jubba oo ay ugu dareyd magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo Boqolkiiba Sagaashan biyuhu qaadeen.

11/6/2019 12:02 AM EST
Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Soomaaliya Cabdirashid Maxamed Axmed ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters in Soomaaliya qorsheyneyso in bil kaddib bixisho shantiga ilaa 30 milyan oo fuusto oo shidaal si ay u soo jiidato shirkaddaha maalgashiga sameeya.