4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 6 , 2019
Baarlamaanka Puntland oo loo gudbiyay danbiyadii ka dhacay deegaannada maamulka Lixdii bilood ee la soo dhaafay

 

Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)-Baarlamaanka Dowlad gobolleedka Puntland ayaa la horgeeyay warbixin la xiriirta daniyadii ka dhacay deegaannada uu maamulka ka arimiyo lixdii bilood ee la soo dhaafay iyo eedeymo loo jeediyay ciidamada Amaanka.

Warbixinta oo ay soo gudbiyeen guddiga Xuquuqul Insaanka Baarlamaanka Puntland ayaa lagu sheegay in Lixdii bilood ee la soo dhaafay oo kaliya Puntland ka dhaceen fal danbiyeedyo gaaraya 3387 fal daniyeed kuwaa oo la sheegay in 56 ka mid ah yihiin kisas Kufsi ah oo siyaabo kala duwan u dhacay.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in Lixdii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa guddiga ay ku sheegeen 1833 shil oo ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa 206 qof. 

Dhinaca kale waxaa ay ku eedeeyeen ciidamada Amaanka dowlad gobolleedka Puntland in ay sanado xabsiyada isaga hayaan dadka shacabka ah ee la soo xiro iyaga oo aan wax maxkamad ah la horgeynin.

Guddiga ayaa tusaale u soo qaatay dadkan xiran bilooyinka ama sanadaha ay ka mid yihiin dad loo heysto fal danbiyeedyo aan weyneyn oo xal loo heli karo sida shilal gaari oo dhacay.

Puntland ayaa ka mid ah meelaha ay ka dhacaan falbiyadeedyada ugu badan ee shilal iyo waliba kuwa xiriirka la leh Kufsiga iyadoo kiiskii ugu danbeeyay uu ahaa kufsigii Gaalkacyo loogu geystay Caa'isho Ilyaas  oo da'deedu aheyd 12 sano jir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]