4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 26, 2019
Itoobiya oo war ka soo saartay khariirad jahwareer iyo dood ka dhax-abuurtay baraha bulshada

 

Axad, May, 26, 2019 (HOL)- Dawladda Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sheegtay in ay ka xun tahay khariirad lagu soo daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Itoobiya oo muujinaysay khaladaad.

Qoraal lagu daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya ayaa lagu sheegay in khariiraddaasi ay ahayd mid "qalad ah oo aan la aqbali karin."

Waxaa ay sheegtay in islamarkii ay ogaatayba ay ka saartay maabkaasi bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

“Waxaanu ka shaleyneynaa jah-wareerka iyo fahamka khaldan ee ay arrintan dhalisay,” ayey wasaaraddu warkeeda ku soo gabagabeysay.

Itoobiya waxay sheegtay in ay ka xun tahay wixii jahawareer ama is-faham-darro ah ee ay arrintaasi abuurtay.

Waxaa kaloo khariiradda ka maqnaa dalka Koonfurta Sudan iyo dalka Equatorial Gini ee Galbeedka Afrika.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]