Hirshabeelle oo war ka soo saartay go'aanka dowladda ee habraaca doorashooyinka maamul gobolleedyada

Cabirka Farta

 Hirshabeelle oo war ka soo saartay go'aanka dowladda ee habraaca doorashooyinka maamul gobolleedyada

Axad, May, 26, 2019 (HOL)-Kadib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ay soo saartay habraaca Guud ee doorashada Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa kasoo horjeestay Maamulka Hir-Shabeelle oo noqday Maamulkii labaad ee qaadaca.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa walaac looga muujiyay  Go’aanka Wasaaradda Arrimaha gudaha,waxaana lagu sheegay in habraacaas uu yahay mid baalmarsan nidaamka federaalka iyo midka dimuqraadiyada.

Akhriso Warsaxaafadeedka Hir-shabeelle :

Hirshabeelle oo war ka soo saartay go'aanka dowladda ee habraaca doorashooyinka maamul gobolleedyada 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]